Sicir bararka adigaa keenay muwaadin..Q.1aad

Sicir bararka adigaa keenay muwaadin..Q.1aad

Marka hore Allaah swt waxan ka baryayaa abaarta inuu innaga dul qaadaa,raxmadiisa si khayr leh inoogu shubo.

Marka xigta waxa aan la soo laab kacay inaan ku soo bandhigo aragtidayda gaaban ee ku sarga’an sicir bararka iyo abaaraha.Horta aqoon uma lihi cimilada,mana ahi dhaqaala-yahan markaa waan idinka raali gelinayaa hadaan darr-jiidho.

Abaaraha:

Abaarahu waa aafooyinka wax-yeelada culus u gaysta noolaha iyo dhirtaba,waxaana keena Allaah swt.Dalkeena waxa la raaciyaa dalalka roobku ku yar-yahay(Sub Sahara),taa innaga oo og ayaa-nad muwaadin xil iska saarin sidii xoolahaaga uga nabad gelin lahayd inay biyo waayaan gooraha jiilaalku dheeraado ama abaari-ba timaado.Talaabada wax ku ool-ka ah ee muwaadin aad qabsatay waa baraagaha(Berkad),iyana marka daaqu cadaado ayay bil ilaa laba bilood ku dhamaadaan.Waxa soo raaca ceelal meelo tiro yar raggii hore gacantooda ku qodeen oo laga cabbo kadib markay baraagahu biyahu ka madhaan ama gudhaan.Baraagahaa iyo ceelashaa waxa qotay adiga muwaadin.Labadaasina kaama caabiyi karaan ama kaga bixi kari maysid abaar dheer oo degaanka ku habsatay.Horumarintii biyaha muwaadin halkaa ayaad ku joojisay.

Taa waxa garab socday muwaadini-yiinta ka tirsanaa hadba xukuumada markaa jirta oo xil ka saaraa inay dejiyaan qorshe lagu soo saarayo biyaha dhulka si aanay dhibaato culusi ula kulmin noolaha goorta ay abaar dheeri dalka ku habsato.Aan idhaah-do talaabada qudha ee ay xukuumadahii kala danbeeyay qaadeen waxay tahay ceelal tiro yar oo dalka laga qoday,ama muwadin qoday.Waana ceelasha lagu qoday riigagga ay muwaadini-yiintu leeyahiin ama hay’ad shisheeye laga soo baryay.Waxa Iyana dhinac socday ama haatan-ba la qoday balliyo wax tarkoodu ku egg-yahay muddo gaaban.Qaabkan aan ka hadlayaa waa dhinaca miyiga ama xoola dhaqatada waxii ay xukuumadahu uga soo kordhiyeen dhinaca biyaha.

Magaalooyinka iyaga waxa jira haba tamar yaraadeene….

La Soco….

Xuseen Xasan Badmaax

Badmah100@hotmail.com

Hargeysa/JSL

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso