Horta Yaamudan In La Doorto?

 

 

 

 

 

 

Horta Yaamudan In La Doorto?

               ( Eng Faysal Cali Hussin)

Doorasho waa loolan sayaasdeed oo dhex marta ashqaas fara ku tiris ah oo doonaysa ama uu damac kaga jiro hoggaanka ugu sareeya ee dalka.

 

sidoo kale, waa hal xulashada ugu fiican ee ku qotonta caddaalad loogu kala garsoorayo inta doonaysa hoggaankaas maxaliga ah. Midkii ku guulaystana waxaa lagama maarmaan ah in ay la shaqeeyaan intii kale ee la loolamaysay, iyaga oo iska saaraya wixii xumaan ah ee kala gaaray intii uu socday hardanka Siyaasadeed, isla markaana ay afafkooda ka sheegaan in looga guulaystay halgankii ay ugu jireen hanashada hoggaanka dalka oo ay taageersan yihiin saaxibkooda nasiibka u oggolaaday.

Haddii taas la waayana waxaa abuurma jahwareer siyaasdeed iyo qoqob ku yimaada bulshada dhexdeeda, waxaa dhici karta iska horimaad iyo gacan ka hadal lagu dhamaado oo umadda u horseeda gaajo iyo macluul aysan weligeed ka soo waaqsan.

 

Haddaba, waxaan wada ogsoonahay in xilligaan aan ku jirno dalka uu ku jiro doorashooyin iyo is xulasho lagu soo saarayo shaqsiyaadkii bulshada u matali lahaa siyaasadda dalka.

 

Waxaa socda is xulufaysi siyaasadeed oo lagu riixayo nin laguna soo dhawaysanayo nin kale, waxaa socda is eedayn aan dhab ahayn iyo cambaarayn dusha looga soo tuurayo nin aan mudnayn, iyada oo la iska dhigayo in laga daacadsan yahay, laga wadanisan yahay, laga xalaal miiradsan yahay, hoggaanka maanta jira, iyada oo la iska iloobay waxa la yahay iyo wixii la ahaan jiray.

 

Waxaa jira rag ka tirsanaa hoggaanka maanta jira ee waqtigiisu dhamaaday oo ku qaylinaya waxaa loo baahan yahay isbedel cusub isla markaana u sharaxan Madaxtinimada ugu sareeysa dalka waa yaab!! miyuusan kala aqoon in isbedelka cusub oo uu ku baaqayo in isagaba meesha uu ka bixin doono haddii uu dhaco mise isbedelka cusub wuxuu moodayaa in uu kaliya saamaynayo Madaxweynaha Umadda.

 

Anigu ma ogi inta damaca Madaxtinimo ay ku jirto in sida shaqsigaasi oo kale ay u fekeraan ama ay u hadlaan.

 

laakiin markaan eegay musharixiinta doorashada u taagan maanta waxay isugu jiraan rag siyaasadda horay u soo jilay oo bulshda soomali Land ay garanayaan wax qabadkooda siyaasadeed, aaminaadooda iyo Alle ku xirnaashahooda.

 

waxaa jira qaar qurbaha ka yimid oo bulshada mar kastaa u soo bandhiga in ay u yimaadeen wax qabadka dalka iyo dadkooda maadaama ay soo arkeen dhismaha siyaasadeed ee wadamada horay u maray oo ay ku noolaan jireen, laakiin aan la ogayn in ay nolosha ay soo arkeen ay ku ahaayeen kuwa ka soo dhacay kuna soo hungoobay isla markaana quud ka soo raadiyey hoggaanka dalka iyo in ay yihiin kuwo ku soo liibaanay waxna ka soo kororsaday dalalkii ay joogi jireen, xaqiiqaduse waxay tahay in aan mugdi iyo meel madaw aan waxba laga raadin Karin.

 

Waxaa jira rag kale oo ganacsato maxali ahaa oo damaca ka galay in ay hantidooda ku sii kordhiyaan siyaasadda baylahda ah ee soomaaliya.

 

waxaa kaloo jira rag kale oo bulshada la soo noolaa waqtiyadii qalafsanaa ee la soo maray, lana tijaabiyey waxqabdkooda siyaasadeed iyo daacadnimadooda aan hagarta ku jirin waqtigana uu u diiday in ay sii dhmaystiraan wanaaga ay umadda u horseedi lahaayeen, doonayana in Jaanis la siiyo mar kale si ay u dhamaystiraan qabyadooda inta ka dhiman Marka is waydiintu waxay tahay yaa ugu mudan doorashada soo socota in hoggaanka dalka lagu aamino intaas oo shaqsi iyada oo arinta laga eegayo dhinac kasta laguna fududaanaynin cidda ugu xaq leh hoggaanka dalka.

 

Shaki kuma jiro in soomali Land maanta ay kala taqaano shaqsiga hanan kara xilkooda ugu sareeya iyo midka masraxa u yimid in uu kaliya boorsadiisa buuxsado.

 

Waxaa sidoo kale hubaal ah in soMali Land Shacabkeedu kala taqaan hoggaamiyaha hadalka maran iyo beer dulucsiga la soo shirtaga si uu u gaaro danahiisa iyo midka sida xaqa ah u hadla oo doonaya wax u qabshada shacabkiisa uu mas’uulka ka yahay, isla markaana og in lagula xisaabtami doono markii adduunka laga tago oo la tago Aakhiro.

 

Isku soo wada duub soomali Land Bulshada Ku Dhaqani  maanta way ka gudubtay nin jeclaysiga qabyaaladda ku dhisan ee horay u soo dilooday, way ka gudubtay ku shubashadii been beenta ahayd iyo beerdulucsigii horay loogu soo jahwareeriyey, way ka gudubtay in ay mar kale hoggaankeeda ku aaminto shaqsi isaga kaligiis danaysanaya oo aan ogayn danaha guud in ay doorato.

 

Si kastaba arrintu ha ahaatee waxaa cad oo aan caadna saarnayn in maanta ay la gudboon tahay Shacabka Somaliland In ay soo hal doori doonaan midka somaliland danta ugu jirta ee ka shaqayn doona wada jirkooda iyo wanaagooda isla markaana raadinaya xaquuqda shaqaalaha iyo ciidammada geesiyaaasha ah kaasoo aan marna quudareyneynin waxa yar ee qaataan shaqaalaha somaliland isla markaana  cadawga umadda Reer Somaliland Kaga Dayran.

Fg: Eng Faysal Cali Hussien.

Aniga Aragti Ahaa Kaliya Ninkaas Ayaa Ila Ah Ninka Ay Hada Umadu U Baahantahay.

Bal Adna.

 

                  Qalinkii Eng Mah’d Bedel

Advertisement

Ku Xayeysiiso