Ciidanka Milatariga Gobolka Togdheer Oo U Debaal-degay Sanad-guuradii 23-aad Ee Ka Soo Wareegtay Aas-aaska Ciidanka Milatariga + [SAWIRO]

Burco (ToggaHerer)- Munaasabad si heersare ah loo soo agaasimay oo lagu xusay maalintii aasaaska ciidanka qaranka Somaliland ayaa maanta waxay  ka dhacay magaalo madax-da gobolka Togdheer ee  Burco gaar ahaana xerrada Gaaska, iyadoo ay ka soo qayb-galeen saraakiisha sarsare ee ciidanka milateriga iyo masuuliyiinta kala ee gobolka togdheer.

Xafladan loogu dabeel-degayey maalintii la dhidibada loo taagay ciidanka milateriga Somaliland oo saaka ka qabsoontay Xerad Gaaska ee meegalada Burco ayaa ahayd mid ka duwan kuwii hore iyadoo ay ciidanka qaranku loo kordhiye min hal derejo, waxaan xusid mudna in ay halkaasi ku soo bandhigeen ciidanka qaranka Sonmaliland gaar-des aad loo jeclaystay, iyo dhoolatusyo kala duwan oo casri ah.

Ugu horayn waxa halkaasi ka haddlay abaanduulaha qaybta 12- aad ee ciidanka qaranka Somaliland Kayd Cismaan “inagu waxaynu nahay ciidankii qaranka  karaamadii iyo sharaftii qaranka ayeynu huwanahay, waxaanay sid ay reer Somaliland ay ogyihiin aynu magacaku leenahay karaamada iyo magaca ciidanka milateriga Somaliland ee aynu huwannahay.”Ayuu Sarkaa Kayd Cismaan Nuur

Dhanka kalene waxa isna halkaasi ka haddlay Taliyaha guud ee ciidanka qaranka Somaliland Maxamed Abakor waxanu ku bilaabay haddalkiisa  sidan:- “Kullan-keenanu wuxuu daaranyahay dabaal-degii maalinta weyn ee aasaaska ciidanka qaranka, horta waxaad iga guddoon-taan hambalyadii Taliyaha ciidanka qaranka oo u isoo faray, dhammaan ciidanka saraakiil saraakiil xigeen, dablayda wuxuu isoo faray hambalyo guud  oo idiinka ducaynayo in aad sanadkan sanadkiisa ku gaadhaan bassh-bash iyo barwaaqo , maanta waa maalin ka tilmaamay maal-maha kale .” Ayuu yidhi Taliyuhu

Waxaanu intaasi ku daray “ ciidanka qaranku waa lafdhabarka Jamhuuriyada Somaliland, waxay ku beegnayd aasaaskii 1994-kii illaahay ha unaxariistee Marxuumkii Madaxweyne Cigaal, waxa maanta  oo la jooga waxa karamadiisi iyo muuqaal-kiisii iyo nolashiisii wax weyn ka badelay maamulka maanta jira ee uu hoggaaminayo Madaxweyneheen illaahay cimrigiisa ha raajiyee Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo , haloo soo jeedo oo hala jiro  qaranimada Somaliland gudo iyo debad-ba

Taliyahan ayaa haddalkiisa ku soo afmeeray “ maanta xududaheeni waa sugan yihiin, waxa sugayna waa ciidanka qaranka  Somaliland , mahad gaar ah ayuu leeyahay, illahay ayauu u suurageliyey inuu sugo dhammaaba xuduudaha Jamhuuriyada Somaliland.”

Ugu Dambayntii waxa iyana halkaasi ka haddlay Maayarka Magaalad Burco iyo badhasaabka gobolka Togdheer waxaanay ku dheeraad qiimah ay ciidanka qaranku u leeyihiin qaranka Somaliland iyagoo dhammaabl hambalyo iyo duco ah u diray, isla markaana ku amaamay hawsha ay qaranka u hayaan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso