Talaabada Kowaad Ee Xakamaynta Sicir-Bararku Waa Xaraashka “ Auction” $10kii Million Ee Xaqul-Qalinka .

 Xukuumadda Kulmiye  waxay qaaday tallaabooyin Xumad jebinah oo aan ku dhisnayn cilmi  dhaqaale  & cilmi maaliyadeed “ Fiscal & Monetary Policy “.Xal maaha in  shirar  ma dhalays ah loo qabto Qaadwalayaasha & Sarriflayaasha . Xal maaha in lagu galgasho adeega Zaadka & E-Dahabka. Xal maaha in Habro durbaan sita la yidhaahdo taageera Dikreetada  Guul Same  Siilaanyo. Maanta  Qiimaha halka doolar  wuxuu  suuqa madow ka jooga  SH 9,000 . Xalka xaqiiqada ahi wuxuu ku jiraa in Xukuumadda Kulmiye deg-deg u fuliso tallaabooyinka soo socda:
1). In Xukuumaddu si deg deg suuqa u soo geliso $ 10 kii Millionee xaqul-qalinka ahaa ee Marwo Sam-Sam isku sawirtay. Taasi waxay keenaysa in xaddiga lacagta “ money supply” ee shillinka Somaliland suuqa laga yareeyo oo qiimahiisu kor u kaco. Waxa doolarka laga iibinayaa oo qudha ganacsatada yar –yar iyo jeeblayaasha “ Licesnsed Small business owners
2).   In Xukuumadu si deg-deg u  dhinto   cashuurta dadban “ Indirect tax “ ee laga qaado quut-al-daruuriga “ essential goods “  sida  Bariiska, Sonkorta, Saliida ,daqiiqda iwm, kuna samayso sicir-kaab “subsidy”
3). In Xukuumadu si deg-deg u kordhiso  cashuurta dadban ee  laga qaado alaabta aan daruuriga ahayn “ Luxury goods” sida sigaarka , qaadka  , sharaabka ,baabuurta raaxada iwm.
4) In Xukuumadu deg-deg u  dhinto  qiimaha shidaalka “ FUEL” iyo  qiimaha korontada. Waxaynu la socona in qiimaha shidaalku  suuqa caalamiga ah hoos ugu dhacaday  56 % (from $ 115 per barrel to $ 52 per barrel “  .Waxba iskama bedelin qiimaha shidaalka ee gudaha  Somaliland. Waxa sicir gooya dhiigmeerato ku xidhan Xukuumada Samawade Siilaanto.
5 )In xukuumadu deg-deg u kordhiso cashuurta tooska ah” Direct  Corporate Income Tax “  ee laga qaado  dhiigmeeratada sida Dahabshiil, Deero Group, Omaar Group,Somcable; Telesom; laguna kaabo quut-al-dariiriga danyarto karsato.
6).In xukuumadu si deg-deg u kordhiso cashuurta laga qaado  Hudheelada waawayn & fooq-yada dhaadheer “ property-tax”  eeay dhistaan kuna raaxaystaan  xaraan-quutayaasha, laguna kaabo quut-al-daruuriga danyarto cunto.
7) In la joojiyo kharashyada ka baxsan miisaaniyadda qaranka sida Gunooyinka waji-ku-macaashka;  Gargardaadinta Col Muuse;Xafladaha xil-wareejinta;Shir-beleedyada ;buraanburka  Qasriga Madaxtooyada imw.
8).In Xawaaladaha laga mamnuuco   inay dadwaynaha  u  furaan  US  Dollar Account  “ Non-Resident Account.
9). In dhigaalka dawladda  “ Gov’t  doollar Deposits “  lagu beddelo  Somaliland shiling  deposits
10)  In ganacsatada  lagu waajibiyo  inay dhigaalkooda  lacageed  “  Private dollar  Deposits”    ku bedeshaan  Somaliland shilling.
11).In Bankiga  Dhexe la siiyo awood buuxda uu ku maamulo  Bangiyada“ “Banking supervision authority“
1
Drs Hoodo Yusuf,UK,

Advertisement

Ku Xayeysiiso