Bulshada Somaliland Waxaan Ku Hor Marin Karnaa Sidan;By Fuaad Qawdhan Arimaha Bulshada Woolwich Lodon

 HORUMARINTA BULSHADA

Bulshadu waa Shacabka Somaliland  oo ay sharaf noo tahay inaan u shaqeyno, oo  tusno  sidii dadkeena somaliland aay u noqon  lahaayeen dad dhic walba ka dhisan.   is la markaana aay  u hali lahaayeen  hogaamiyayaal  ka fakira  daryeelkooda , caafimaad kooda , waxbarasha dooda , shaqaddoooda , iyo guryo hooy u noqda qaf waloo bulshada ka mida , si arimahaas iyo kuwa kale oo shacabkeenu u baahan yahay aan u taaba gelino, waxaynu qaadaynaa talaabooyinka soo socda:-

DARYEELKA QOYSKA:

Qoysku waa gundhiga koobaad ee Bulshada, wuxuna Qoysku ka qeyb qaadanayaa  ilaalinta iyo isku-xidhnaanta Bulshada.sidaa darteed  waa inaan qaadanaa  talaabooyinka soo socda:-

  1. Fidinta dareen ku saaban muhimada qaranka uu u leayahay qoyska, wadajirka qoyska, iyo barbaarinta ubadka.

  2. Dhiirigelinta baaritaanka Caafimaad iyo Tababarka lamaanaha guurka ka hor, si loo helo qoys caafimaad qaba, si wadajir ahna u maamuli kara guriga iyo khilaafaadka qoyska.

  3. Daryeelida kuwa waaya gabaadkii Qoyska sida  Agoonta, Naafada, Waayeelka iyo Caruurta darbi jiifka ah.

  4. Asaasida Hay’ad dejisa Siyaasad iyo Qorsho dheer oo looga baabinayo Darbi-Jiifnimada,  iyadoo lala kaashanayo Dowladdaha Hoose iyo Hay’adaha Bulshada rayidka.

  5. Wacyi gelinta Hooyada, kobicinta xirfadaha lagama maarmaanka u ah Guriga iyo Ubadka.

  6. Ka hortaga Isticmaalka Mukhaadaraadka, iyadoo lala tacaalayo kuwa isticmaalasi loo badbaadiyo qoyska.

  7. Ka wacyi gelinta qoyska sidii ubadkooda ay tarbiyo diineed iyo wadaniyadeed sax ah u siin lahaayeen, si looga hortago Afkaarta guracan ee Argagixsnimada salka ku haysa.

  8. Kafaala qaadka Qoysayka Faqiirka ah, si looga hortago tuugsigsa, iyo ku xadgudubka xuquuqda caruurta ee waxbarasho.

  9. Dejinta Sharciyo ilaalinaya Caruurta iyo Haweenka, xadgudubka qoyska dhexdiisa ah, iyo sameynta xaruumo lagu badbaadiyo kuwa lagu xadgudbay.

  10. Ka hortaga gudniinka Fircooniga ah, oo caruurta ku ah xadgudub, iyo dhibaato caafimaad, waxaana la sameeynayaa sharci ilaaliya caruurta.

  11. Dowlada in ay u dhisto guryo qoysaska faqiirka ah, iyo kuwa dakhligoodu hooseeyo.

  12. Dhiirigelinta Guurka Dhalinyarada si loo dhowro Anshaxa guud ee Bulshada, loona kobciyo Taranka Ummadda Somaliland.

    1.  Ku dhiiri gelinta Haweenka in ay waxbartaan kana qeyb qaataan Horumarinta Dalka ee Bulsho, Dhaqaale iyo  Siyaasad.

    2. Taageerida Hay’adaha iyo ururada ku howlan horumarinta Haweenka.

    3. Dejinta Siyaasado iyo Sharciyo dhowraya in aan lagu xadgubin Haweenka dhan walba, gaar ahaan, Jinsi sooca, Dhaxal u diidida, Kufsiga, Guurka Qasabka ah iyo Jir-dilka.

    4. Ku dadaalida Kordhinta Saamiga Haweenka ee Waxbarashada, Shaqada, Kuraasta Barlamaanka, Golaha Wasiirada.

    5. Daryeelida Haweenka dakhligoodu hooseeyo, kuwa lagu xadgudbay iyo kuwa miyiga degan.

    6. Dejinta Sharciyo Dhowraya hooyada shaqeeysa xiliyada ay ku jirta dhalmada iyo nuujinta iyo uurkaba.

    7.                                                    HORUMARINTA REER MIYIGA:
    8. Bulshada Somaliland badankeedu ayaa ku nool Miyiga, iyagoo Xoolo dhaqato iyo Beeraleey ah sidaa darted  waa in aan raacno  sidan oo aan  mudnaan gaara siino  horumarinta reer miyaga inagoo  qaadaneyna talaabooyinka soo socda:-

      1. Horumarinta Xirfadaha casriga ee Dhaqashada Xoolaha iyo tacbashada Beeraha.

      2. Horumarinta Mashaariicda; Ceel qodista iyo riigaag meel waloo dad dagan yahiin laga qodo, Waro sameynta, iyo Dhisida Biyo Xireeno si looga haqab tiro xaga biyaha Reer Miyiga.

      3. Ka hirgelinta Nidaam waxbarasho iyo Caafimaad oo la falgali kara qaab nololeedka reer miyaga,  iyadoo lagu wacyo gelinayo laguna qiimaha Caafimaadka iyo Waxbarashada ay u leeyihiin horumarinta noloshooda.

      4. Ka hortaga Colaadaha salka ku haya Qabyaalada, Biyaha, daaqa, iyadoo la wacyi gelinayo, la gaadhsiinayo adeegyada aasaasiga ah iyo awooda sharciga.

      5. Ku baahinta Adeegyada Asaasiga iyo nolosha Casriga ah Miyiga si loo yareeyo ku qulqulka magaalooyinka, taasoo dhawacysa isku dheelitirka Kobaca dhaqaalaha dalka.

      6.                                                               CAAFIMAADKA:

        Waxaan doonayaa in aan dareeno caafimadku inuu hormuud u yahay Horumarka Bulshada ee dhan walba, kana mid yahay xuquuqda aasaasiga ah ee ay tahay inuu helo muwaadin kasta,  sidaa darteeed waxaa uu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-

        1. Dowladaha hoose in lagu gacan siiyo sidii loo hirgelin lahaa Siyaasado iyo Qorshooyin ku saabsan Fayo-Dhowrka (General Hygiene), si loo helo Deegaan nadiif ah, dhireynta, Biyo nadiif ah, iyo ka hortaga Cudurada faafa.

        2. Gaarsiinta Dhulka  Baadiyaha (Miyiga)  adeega Caafimaad, iyadoo gacan lagu siinayo Dowlada Hoose, Wasaarada Caafimaadka iyo Bulshda rayidkaba in ay ka sameeyaan Mashaariic Caafimaadka Guur-guura(Mobile Medical Units).

        3. In Xaruumo Caafimaad laga hirgeliyo Dhamaan Dalka iyadoo la gaadhfuaadsiinayo Heer Xaafad iyo Tuulo, kuwaasoo ay ka howlgalayaan xeel dheerayaal caafimaad si loo daryeelo caruurta  iyo Hooyada, loogana hortago Cuduruda.

        4. In Degmo walba oo dalka laga dhiso Cusbitaal weyn oo laga helayo dhamaan takhasusuyada Muhimka ah.

        5. In dalka laga hirgeliyo macaahid  Caafimaad, Waxbarasho Jaamacadeed oo lagu baranayo  oo qeybaha kala duwan ee Caafimaadka banidamka, si loo daboolo baahida Bulshadu u qabto Aqoonyahan Caafimaad oo khirbad leh.

        6. In la dhiiri geliyo Deeqo Waxbarasho oo Dibada ah gaar ahaan takhusuyada Sare,  si  loo helo kaadir Caafimaad oo khirbad sare leh, si looga maarmo baahida caafimaad ee Shacabku dibada ugu safrayaan.

        7. In Dalka laga hirgeliyo Hay’ad qiimeysa tayada Daawada iyo Cuntooyinka dibada laga soo dhoofiyay, si looga hortago daawada iyo cuntada dhacday ama tayadoodu liidato.

        8. In sharci adag lala tiigsado kuwa ka ganacsada Daawooyinka iyo cuntada tayadoodu liidato ama dhacday.

        9. In laga shaqeeyo sidii loo cirdhib tiri lahaa Cudurada la daaweyn karo sida TB, Duumada, Dabaysha, lagana hortago Cudurada laga hortagi karo fiditaankooda, sida HIV/IDS. Iyo sidii loo daweyn lahaa Cudurada aan lakala qaadin sida; dhiig karka, sonkorta, kansarka iyo cudurrada wadnaha.

        10. In la sameeyo Sharci nidaamiya ka shaqeynta Caafimaadka, iyo aassaasida iyo maamulka Rugaha Caafimaadka kuwa guud iyo kuwa gaarka loo leeyahay,  iyo Qiimeynta Shahaadooyinka si meesha looga saaro rugaha caafiamaadka aan u qalmin in baniadam lagu daaweyo, iyo sidoo kale dhaqtar beenaaadka.

        11. Dejinta Siyaasad iyo Qorsho dalka Somaliland  lugu gaadhsinayo an Iskufilnaasaho dhinacya; kaadirka, Xaruumaha, iyo Qalabka Caafimaad, si ay somaliland  u noqoto Dalalka ku horeeya dhinaca Caafimaadka.

      7. DARYEELKA HAWEENKA:

         bulshada somaliland waa iney  hesho  masuuliyiin  naxariis badan,  oo si hagar la’aan ah uga shaqeeynayaa  horumarinta Haweenka, iyo helida xuquuqdooda, Bulsho, Dhaqaale iyo siyaasadeed si ay ubadkeena, Bulshadeena iyo dalkeenuba u hormaro sidaa darteed  waa ineeynu  raacno talaabooyinkaan soo socda:Dhalinyaradu waa lafdhabarka horumarka Bulshada sidaas darteed  waa in aan raacno wuxuu talaabooyinka soo socda:-

        1.  Ku dhiiri gelinta Haweenka in ay waxbartaan kana qeyb qaataan Horumarinta Dalka ee Bulsho, Dhaqaale iyo  Siyaasad.

        2. Taageerida Hay’adaha iyo ururada ku howlan horumarinta Haweenka.

        3. Dejinta Siyaasado iyo Sharciyo dhowraya in aan lagu xadgubin Haweenka dhan walba, gaar ahaan, Jinsi sooca, Dhaxal u diidida, Kufsiga, Guurka Qasabka ah iyo Jir-dilka.

        4. Ku dadaalida Kordhinta Saamiga Haweenka ee Waxbarashada, Shaqada, Kuraasta Barlamaanka, Golaha Wasiirada.

        5. Daryeelida Haweenka dakhligoodu hooseeyo, kuwa lagu xadgudbayiyokuwa miyiga degan.

        6. Dejinta Sharciyo Dhowrayahooyada shaqeeysa xiliyada ay ku jirta dhalmada iyo nuujinta.

      8.                              DHALIN YARADA IYO SPORT KA

      9. Dhalinyaradu waa lafdhabarka horumarka Bulshada sidaas darteed xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-
    1. Ku Dhiirigelinta dhalinyarada in ay yeeshaan Aqoon iyo xirfad.

    2.  Ka hortagida Darbijiifnimada, Tuugsiga, Isticmaalka Mukhaadaraadk, Tahriibka, Burcad Badeednimo, iyadoo loo abuurayo dhalinyarada fursado Shaqo.

    3. Aasaasidda Xarumo, Hay’ado, Ururo dhalinyaro oo Heer Qaran, Gobol iyo Degmo, oo ka shaqeynaya wacyigelinta, iyo jir dhiska Dhalinyarada.

    4. Dhiirigelinta In dhalinyaradu Dowr ku yeelato Siyaasadda dalka, Lana dhiiri geliyo sharciyada fududeynaya arinkaas.

    5. Dhiiri gelinta Dhalinyarada in ay ku takhasusaan Culuumta Siyasaada iyo maamulka Dowladda iyo Horumrinta Mujtamaca.

    6. Xoojinta Kalsoonida ay Shacabkeenu ku qabaan Dhalinyarada, iyo kalsoonida ay Dhalinyaradu ku qabaan Dalkooda Hooyo.

    7. Daryeelka iyo Horumarinta si gaara Dhalinyarada ku nool Miyiga iyo duleedka Magaalada, iyo isku xidhka dhalinyaradaas iyo kuwa  Magaallada.

    8.  Xoojinta Hidaha iyo dhaqanka, Wadaniyada iyo wax-akhrinta dhalinyarada

    9. U diyaarinta Dhalinyarada in ay kaalin hore ka galaan tartanada Afrika, Carabta iyo Caalamka ee Waxbarashada, iyo Isboortiga.

    10. Daryeelka Dhalinyarada leh mawaahib gaarka ah ee waxbarashada iyo Isboortiga.

    11. Dejinta Siyaasad iyo Sharciyo,  lagu hormarinayo Sportiga.

    12. Kor u qaadista wacyiga Bulshada ee ku aadan Ciyaartooyda iyo Ciyaaraha iyadoo la fiirinayo dowrka caafimaad, dhaqaale iyo sumcad oo ay dalka iyo dadkaba u soo hoynayaan.

    13. Dhisida; iyo horumarinta Hay’ado, kooxo, garoono iyo  iskuulo  isboorti oo la jaanqaadaya  horumarka uu aduunka ka gaaray dhanka Isboortiga, si loo helo Dhalinyaro xirfad sare leh oo guulo waaweyn ka soo hooyo qeybaha kala duwan ee ciyaaraha gudaha iyo dibadda.

    14. U fidinta taageero dhaqaale oo mug leh Kooxaha iyo Ciyaartooyada soo hoysa guulo gudaha iyo dibadda.

    15. Dhiirigelinta iyo taageero gaarah u fidinta Ciyaartooyda Naafada ah.

    16. Dhiiri gelinta Ciyaaraha heerarka hoose sida Xaafadaha, degmooyinka, Gobolada, iskuulada, iyo jaamacadaha si ay usoo saaraan Cayaartooy xirfad leh.

    17. Daryeelka Cayaartooydii hore ee qaranka u soo hooyay macag iyo guulo.

    18.                                                WAXBARASHADA, BARBAARINTA IYO CILMI BAADHISTA:

      Anagoo garwaaqsan mudnaanta ay leedahay Aqoonta, dareensan in dhibaatada somaliland ragaadisay ay sabab u tahay Aqoondarida  waxaan dooneeynaa in  qaadano  si loo horumariya Aqoonta, Barbaarinta iyo Cilmi Baadhista wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-

      1.  waaa in la  abaabulo Ololayaal wacyi gelineed oo ku wajahan Qiimaha ay leedahay Waxbarashada, Barbaarinta, iyo Cilmi Baadhista.

      2. waa in la helo dad dacada oo aqoon leh oo  ka shaqeya  sidii loo sameen lahaa ololayaal kala dagaalamaya  Bulshada wax qoris iyo aqris la’aanta.

      3.  waa in la halo  Waxbarashada Gabdhaha, Dadka leh baahiyaha gaarka ah (Naafo), iyo Mujtamacaadka laga tira badan yahay ee ka fog waxbarashada.

      4. Ka shaqeynayaa iyadoo la  eegaayo baahida horumar ee dalka in dhamaan muwaadin kasta helo waxbarasho heer kasto ah, dowladuna ay awood u yeelato in dhamaan Dhalinyaradu helaan fursadahaas.

      5. In Waxbarashda ilaa dugsiga sare noqoto mid waajib ah, sharci ciqaabayana loo sameeyo waalidka ka gaabiya gudashada Xaqaas Caruurtu leeyihiin.

      6. Dib usoo celinayaa Waxbarashadii Xukuumadu gacanta ku haysay sida Dugsiyada Hoose, dhexe, Sare, iyo jaamacadii Ummadda, iyadoo loo yeelayo tayo la mida am ka sareeysa kuwa gaarka loo leeyahay si Bulshadoo dhan ay u hesho waxbarasho heer kasta ah oo tayo leh.

      7. Waxaa la daryeelayaa lana dhiirigelinayaa Xaruumaha waxbarasho ee gaarka loo leeyahaiyadoo mar walba la ilaalinayo tayada waxbarasho ee Hay’adaha iyo xaruumaha gaar  ah ay bixinayaa.

      8. Dhiirigelinta in Jamacadaha Aduunka ay laamo ka furtaan gudaha soomaaliya si loo daboolo baahida waxbarasho ee dalka ka jirta.

      9. Si Dalku u horumar degdeg  ah u  gaaro, waxaa la sameynayaa Machadyada farsamada gacanta, dugsiyada caafimaadka, Beeraha, Badda, Xisaabtaadka, Ganacsiga,  Xanaanada Xoolaha…. IWM.

      10. Dhiiri gelinta sidii loo heli lahaa kaadir ku takhasusa laamaha cilmiga ee baahida gaar ah dalka iyo dadku u qabaan.

      11. Abuurista iyo Baahinta Kaabayaasha Tacliinta, sida Baktabadaha, Qorista Buugaagta, Shaybaarrada, Madbacadaha IWM.

      12. Dhiiri gelinta Cilmi barista Guud ahaan gaar ahaan taariikhda, iyo Hidaha Soomaaliya, Dhibaatooyinka Hortaagan Nabada, iyo taabagalka dowaladnimada.

      13. U ololeynta In Barbaarinta Ubadka iyo Bulshada(Civic Education) ka mid noqoto manhajka waxbrashada, si loo baahiyo Akhlaada suuban, Wadaniyada, Hidaha Nabadda, Wadanoolaanshaha, Isdhexgalka Bulshada, Ilaalinta xuquuqda Shaqsiga iyo Bulshada.. IWM.

      14.                                            HIDAHA IYO DHAQANKA:

        Ummadda Somaliland waxay leedahay Hide iyo Dhaqan facweyn, oo saldhig u noqon kara horumar dhan walba ah iyo ilbaxnimo, Faafinta iyo xoojinta Hidaha iyo dhaqanka suuban ee Umaddena  waxaan u mareynaa Talaabooyinka soo socda:

        1. Ku wacyi gelinta iyo barista shacabka iyo ubadka Muhimadda uu  leeyahay Hidaha iyo Dhaqanka.

        2. Daryeelida Abwaaniinta, Fanaaniinta, Laxamiistayaasha iyo Muustika yaqaanada, Farshaxaniistayaasha, iyo ku xeeldheerayaasha Hiddaha iyo dhaqanka Somaliland .

        3. Xoojinta Haya’adaha Hiddaha iyo Dhaqanka, sida Matxafka Qaranka, Maktabada Qaranka, Akaadeemiyada Fanka, Suugaanta iyo Cilmi badhista, Golaha murtida iyo Madaddaalada, Kooxaha Fanka.

        4. Xoojinta Cilmi baadhistaku saabsan hidaha, Dhaqanka iyo  Ilbaxnimadiihore ee Somaliland .

        5. Abaal marinta, Qadarinta dhamaan ku xeel dheerayaasha Hiddaha iyo Dhaqanka Somaliland.

        6. Si ay u helaan xuquuqdooda Maaliyadeed waxaa  waa in aan ka shaqeeyno  sidii loo fidin lahaa wacyi ku saabsan xuquuqda Allifitaanka, iyadoo la dejinayo sharco dhowra xuquuqda allifayaasha.

        7. Si looga hortago dabar go’a aqoonta Mustikada soomaaliya(Jaranjarada Shanaad) waxaa la aasaasayaa Machadka Sare ee Muustikada iyo Masraxa.

                                                                          BULSHADA RAYIDKA:

    Bulshada Rayidka waxaan u aragnaa in ay yihiin kuwii horseedka ka ahaa kasoo kabaashadii burburkii dowladii dhexe dooor  weyna ka ciyaaray, Nabadda, Dib u heshiisiinta, horumarinta waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga, kobcinta wacyi xuquuqul insaanka.. IWM.. Waxay sidoo kale dowr weyn ka qaadan karaan xoojinta dowladnimada iyo toosinta xukuumadaha sidaa darteed Xisbigu wuxuu qaadayaa talaabooyinka soo socda:-

    1.  waa in la halo xisibiyo   daacada oo Dejinayaa Siyaasado iyo Sharciyo Daryeelaya, dhiirigelinaya, hormarinaya Ururada Bulshada Rayidka.

    2. Xukuumada iyo Xisbiyaduba waa iney   iskaashi kala yeelanayaan Bulshada rayidka ah dhinacyada  Horumarka siyaasada, Dhaqaalaha, iyo Bulshada.

    3. Daryeelayista iyo  Hormarinta Odayaasha Dhaqanka si loo adkeeyo  dib u heshiisiinta, nabadda, isfahamka iyo isdhexgalka Bulshada.

    4. Horumarinta Ururrada haweenka, dhallinyarada, ardayda iyo xirfadleeyda.

  13.                                                    QURBO JOOGTA:

     Waa in la helo xisbiyo ka duulaya  siyaasad cad oo aay ka  aaminsan yahay xuquuqda iyo waajibaadka Qurbajoogta iyadooxisbigu dareemayo dowrka sii xoogeysanaya oo ay ku leeyihiin horumarinta dalka sidaa darteed xisbigu wuxuu ka shaqeynayaa :-

    1. Ka warqabka Qurba-joogta Soomaaliyeed, dhowrista dhaqanka, iyo  barista luqadda Soomaaliga ubadka ku dhashay dalalka shisheeye.

    2. Uga faaideynta dalka iyo dalka   Aqoonta, Khibrada, Maalgashiga, iyo xiriirka Qurbajoogta ay la leeyihiin dalalka ay ku sugan yihiin.

    3. Dhiirigelinta sidii Qurbo-joogtu uga faa’ideysan lahaayeen dalalka ay tageen ama ay ku dhasheen, dhanka tacliinta, ayna  saameyn ugu yeelan lahaayeen dhaqaalaha, Waxbarashada, iyo Siyaasadda Dalalka ay tageen.

    4. Ka hortagida in aragtiyada Xag-jirnimada ku faafto Qurbo-joogta dhexdooda iyadoo loo adeegsanayo Culumida iyo Dhaqanka suuban ee Soomaaliyeed.

    5. Difaacidda xuquuqda Qurba-joogta soomaaliyeed sida waafaqsan Xeerarka Caalamiga ah.

    6. U Sameynta Qurbo-joogta Usbuucyada dhaqanka, fanka iyo suugaanta, iyo Xusida maalmaha Qaranka.

    7. Ku Dhiirigelinta Qurbo-joogta  ku soo laabashada Dalka  iyo Maalgashiga.

    8. Dhisida Hay’ad gaara oo ka shaqeysa tirakoobka, horumrinta iyo ka faa’ideysiga Qurba-joogta.

    9.                          GUNAANKII
    10. Walaala yaal ka go,yoon meeyno horumarinnta bulshada waa qeey booyin aad u badan lakin maanta intii ugu miihiim saneeyn baan ka soo qaadaney.
  14.                                      ILAAHEYBAA MAHAD ISKA LEH INAGA DHIGEY MUSLIM

Waxaan filiyaa in aad ka faaiideysan doontaan dhamaan qafwaloo akhiryeey qoralakeygan.

Anaga ilaahey kheer hanaga siiyo.

WAXAA QOREY FUAAD MAXAMED QAWDHAN  ARIMAHA BULSHADA WOOLWICH LONDON

mr_qawdhan@hotmail.co.uk

facebook; fuaad qawdhan

WAAD MAHAD SAN TIHIIN.

Advertisement

Ku Xayeysiiso