Xukuumada DDSI oo Booyado Gaadhsiiyey Deegaanda Haradigeed iyo Marsin iyo Riigii Biyaha ka Qodayay Bali Jano ( Ex Balidhiig) oo Bilaabay Shaqadii Biyo Soo Saar

Lix Booyadaha Biyaha Dhaamiya ayaa gaadhay Deeganka Haradigeed iyo Marsin oo ay Xukuumada DDSI ugu talagashay in ay u dhaamiyaan dadka Abaaruhu saameeyeen biyaha na loogu dhaamiyo.

Geesta kale Waxaa shaqadii biyo soo saarista iyo qodista Ceelka bilaabay Riigii loogu talagalay in uu biyo ka soo saara Deeganka Bali Jano (Baldhiig) ee Degmada Gaashamo Gobolka Jarar.

Biyo Soo saarka Ceelasha riiga ayaa ah Jawaabta Xukuumada Dawlad Deeganka Soomalida Itoobiya ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumat ee Badbaadinta Bulshada ay abaaruhu Saameeyeen in deg deg biyo u helaan loona soo saaro .

Dawlad Deegaanka ayaa mudadii uu hogaaminayay Mdaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar ayaa gaadhay kuna talaabsatay Horumar Balaadhan oo saamaynaya meelo badan Sida Tacliinta Caafimaadka Nabadgelyada iyo Wax Soosaarka .

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso