Waxayna Dawlada Xaq Uu Leedahay In Ay Shirkadaha Ku Hagto Kuna Maamusho Sharciyada Dalka Uu Yaala Iyado Mar Waliba Eegaysa Danta Dalka Iyo Dadkaba ,Balse Awaamiirta Ay Bixisay Dawladu Waxaa Ka Muuqda Degdeg

Somaliland Waxay 26 Sanno Ka Joogta Markay Dib Ula Soo Noqotay Madax-bananideedii Hadana Waxaa Muuqda Dacay Faro Badan Oo Ka Muuqda Dhanka Shacabka Iyo Dawladaba.

24-01-2017 Ayay Ahayd Markii Madax-Waynaha JSL Mudane Ahmed Mohamed Siilanyo Digreeto Ku Soo Saaray Sixir Bararka Ka Jira Gebi Ahaanba Gayiga Somaliland,KaDib Markii Uu Kulan La Qaatay Golihiisa Wasiirada.

Waxaa Qodoba Digreetada Uu Madax-waynuhu Soo Saaray Ka Mid Ahaa Qodob Aan Doonaayo In Aan Idinla Wadaago.

  • In Shirkadaha Telesom iyo Dahabshiil ee leh adeegga Zaad iyo E-Dahab, ay joojiyaan lacagta Dollar-ka ee lagu shubayo telefoonnada gacanta wixii ka yar $100 (Two Digits), kana saaran nidaamkooda Dollar-ka.

 

Hadaba Qodobkani Waxa Uu Baahan Yahay Tafsiir Badan Mid Sharci Iyo Mid Aqooneedba,Waxaan loo Baahan Yahay In La Qaado Cilmi Baadhis Balaadhan(Reseach) Lana Soo Bandhigo Saamaynta Togon Iyo Mid Tabanba Ee Ay Leedahay Adeegsiga In Lacago Laysugu Diro Mobile-ka(Mobile Money Transfer).

Waxaan Loo Baahan Yahay In Lagala Tashado Dad Aqoon Uu Leh Cilmiga Dhaqaalaha(economy),Si Ay ula Kaashadaan Caqligooda Iyo Cilmigoodba.

 

Balse Haddii Cid Aan Ehel Uu Ahayn Loo Diro Sida Maanta Ka Taagan Meelo Badan Oo Somaliland , waxaa Imanaysa In Ay Ka Soo Baxaan Qodobo Aan La Mahadin Taas Oo Keenaysa,Eex,Qaraabo Kiis Iyo Nin Jeclaysi

 

Waxayna Dawlada Xaq Uu Leedahay In Ay Shirkadaha Ku Hagto Kuna Maamusho Sharciyada Dalka Uu Yaala Iyado Mar Waliba Eegaysa Danta Dalka Iyo Dadkaba.

 

Balse Awaamiirta Ay Bixisay Dawladu Waxaa Ka Muuqda Degdeg 48 Sacadood In System Dhan Lagu Bedelo Isla Markaan Ay 48 Sacadood Gudahood Dad Ku Dhow Dhowr Milyan Ay Lacago Kala Baxaan Xarumaha Shirkadaha Adeegyadan Bixiya.

 

Waxay Uu Muuqta Mid Khalkhal Galinaysa Goobaha Ama Xaruumaha Bixiya Adeegyada ZAAD IYO E-DAHAN Oo Aan Awood Uu Lahayn In Mar Qudha Ay Qaabilaan Dad Tiradaa Leeg.

 

Waxaanan Xukumada Iyo Madax Waynaha JSL Ka Codsonaynaa In Wakhti Ku Filan La Siiyo Shirkadaha,Si Ay Uu Fuliyaan Amarka Madax-waynaha JSL.

 

Dhanka Kale Waxaan Ugu Baaqayna Dhamaan Shirkadaha Ay Khusaysay Digreetada Madax-waynaha In Ay Uu Hogaan Samaan, Si Ay Sharciyadeena Iyo Dawladnimadeenu Uu Meel Marto Isla Arkaan Ay Muuqato Awooda Dastuurku

 

Loona Ilaaliyo Wada Jirka Iyo Wada Socoshada Shacabka Somaliland .

 

Dhanka Shacabka Waxaad Mooda In Ay Si Wayn Uu Buunbuuniyeen Arintan Isla MArkaan Waxaad Arkaysaa Mid Aan Isticmaalnba Adeegyada (ZAAD IYO E-DAHABA) Isla Markaan Aan Xitaa Fahan Ka Haysan (MMT) Oo Hadan Cid Eedayna Ama Shirkadaha Ama Xukuumada.

 

Waxaad Mooda In Shacabkeenu Wada Noqdeen Wada Siyaasiyiin Iyo Wada Garyaqaano ,Marka Shacabku Wada Siyaasi Noqdo Yaa La Xukumayaa? Yaa Loo Garnaqayaa?Yaa La Maamulayaa?

 

Umadayda Waxaan Kula Dardaarmayaa Qof Waliba Shaqo Ayuu Ku Haboon Yahay Isaguna Uu Jecel Yahay Isla Markaana Uu Aqoonteeda Soo Bartay ,Qof Waliba Qaranka Halkiisa Ha Ugu Adeego Oo Ha Ugu Shaqeeyo.

 

Wa Bilahi Towfiiq

 

 

Abdizamad Hassan Macalin

Abdizamadhassan@gmial.com

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso