Maxaa Keenay Sicir Bararka Ina Aa-Feeyay? W/Q Mubaarik Maxamed Kayd

Maareynta Iyo Agaasinka Farsamo Ee Lacagtu (Monetary Policy) Waxay U Shaqaysaa Sidan Soo Socota. Horta Farsamadan Waxa Gacanta Ku Haya Bankiga Dhexe, Waana Gacan Ka Madax Banaan Dawlada Markuu Jiro Nidaam Dawladeed Oo Hufani.

Bangigii Dhexe Ayuu Dalku Tabayaa, Markuu Dhaqaaluhu Xumaado Waxu Bankiga Dhexe Sameeyaa Hoos U Dhigida Qiimaha Wax Lagu Kala Amaahdo, Si Ay Dadka Iyo Tijaartii Shirkadahu U Helan Deyn Jaban Ileen Iyaga Laftoodu Waa Fa,Ido Doone.

Waxay Kaloo Sameeyaan Lacagta Ayey Suuqa Kusii Daayaan Iyagoo Dadka Ka Iibinaya Warqada La Yidhaahdo Igu Lahaw(Selling Government Bonds) Si Ay Dadkii Ama Bankiyadii Baayacmushtarka Ahaa Ee Kale (Commercial Banks) Ay U Helaan Lacag Dheeraad( Expansionary) Oo Suuqa Wax Kala Socod Siisa.

Markuuse dhaqaaluhu wacan yahay, waxuu Bankgiga dhexe sameeyaa inuu dadka ka gadto/iibsado warqadii ku lahaanshaha (Buying government Bonds)oo ay lacagtii Bankiga dhexe dib ugu soo noqoto iyadoo ah sidii wax suuqa laga soo uruuriyey oo kale ah (contractionary), ama uu Bankiga dhexe sameeyo kor u qaadista dulsaarka (interest rate) lacagta lagu kala amaahdo, oo ay markaas adkaato inay dadku ay deyn jaban helaan.

Isku soo wada xoori, siduu yidhi qoraaga Philip Coggan “kasoo qaad dhaqaaluhu inuu yahay sida baabuurka oo kale, oo markuu dhaqaaluhu xoog u kobco ee laga hor tegayo sida sicir bararka iyo dhibaatooyin ka kale ee la xidhiidha waa in Bireyga loo qabtaa iyadoo cashuurtana la kordhinyo kharash yada kale ee dawladu isticmaashona la gooyo/yareeyo (higher taxes and spending cuts), laakiin markuu dhaqaaluhu liito ee kobcin loo baahan yahay waa in Saliida ( accelerator) la isugu taagaa, oo micnaheeddu yahay cashuurta oo hoos loo dhigo iyo kharash yada ay dawladu dalka gelineyso oo la kordhiyo ( tax cuts and spending rises)”.

Oo fahanoo cashuurta la kordhiyaana dhaqaalaha ay waxyeelo weyn u keentaa, lacagta la iska soo daabacona waxay dhalisaa sicir barar waxaana sixir barar inoogu horeeyey lacagta 1000sh iyo 5000sh bangigii dhexe ee dalku waa bakhaar lacagta la dhigto ma shaqeeyo halaga shaqeysiiyo oo banks kan (Commercial banks) dalka halaga qabto.

 

W/Q. Mubaarik Maxamed Kayd          

Samotalis00@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso