“Aragtidayda Buugga Waddani ” Cabdinaasir Axmed Abraham. Qaybtii 2aad

“ARAGTIDAYDA BUUGGA WADDANI ” Cabinaasir Axmed Abraham.
cBuuggan barnaamij siyaasadeedka xisbiga Qaran ee Waddani, sida aan kor ku xusay aragtiinkayga ayaan halkan idinkula wadaagayaa. Buugga waxa iiga dhex muuqda laba arrimood oo kaliya in uu ku dhisan yahay; waa midda horee, Buugga waxa aad mooddaa in laga soo dheegay buuggii hurdiga iyo cagaarka iskugu jiray ee barnaamij siyaasadeedka xisbigii Kulmiye, oo ay ku qornaayeen wax badan oo ballanqaaddo qabyoobay ahaa, buuggaas Kulmiye oo 18 goor aan akhriyay, waxa kuu muuqanaysa in uu buuggan Waddanni  daba socdo wixii buuggaa ku qornaa ee qabyoobay.
Waa arrinta labaade; Buuggan Waddanni wuxuu ku dhisan yahay oo bud-dhig looga dhigay gefef ay Xisbi xaakimku galeen.  Labadaa qodab ayaa haddaad labada buug iyo siyaasadda dalka isku akhrido kaaga soo baxaya.
Buuggaa hore ee Kulmiye laftiisu wuxu kudhisnaa Xisbigii Udub gefef uu galay iyo waxyaabo uu ka gaabiyay. Halkaa na waxa aan ka dheehan karnaa in aanay jirin aragti xisbiyo qaran oo Siyaasad iyo aqoon bud-dhiig u yihiin.
Qodobka ugu weyn ee akhriska buugga barnaamijka xisbiga Qaran ee Waddani iiga baxay waxa weeyaan; IN AANAY ISKU JAAN-GO’NAYN WAXA AY BALLANQAADAYAAN IYO WAKHTIGA AY HAYSTAAN.  Adduunka wax kasta oo la qabanayaa wuxuu u baahan yahay wakhti lagu qabto, haddii saddexdan arrimood aanad u eeginna suurto-gelnimadiisu way yaraanaysaa.
1. Wakhtiga aad haysto.
2. Awoodda,agabka, xirfadda iyo aqoontaad leedahay ee kuu sahlaya in aad hawshan ku qabato wakhti xaddidan oo aad qorshaysay.
3. Mugga hawsha aad qabanayso. Taas oo u baahan daraasad iyo lafo-gur wakhti iyo aqoon ba la galiyo.
TUSAALE: Haddaan anigoo Ingineer ah aan adiga kuu imaaddo kuna idhaa, qandaraaskaaga dhismaha Sartaada aniga I sii. Waxa aanan kuugu dhisayaa Sartaada oo 20 dabaq ah, muddo saddex maalmood ah!
Sida taasi aanay suuro-gelka ugu muuqan ayay arrimaha buuggan Waddani ku qoranna u eg yihiin, sababtuna waxa weeyaan in aanay isku dheeli-tirin wakhtiga ay haystaan ama muddo xileedka ay wax ku ballanqaadayaan oo shan sanno ah iyo waxa ay ballanqaadayaan oo aad u badan.
  Maadaama aan heerka garasho ee dadka reer Somalilander​ aanu wali soo gaadhin in barnaamijka buugga xisbiga ay akhriyaan, kulana xisaabtamaan, dhib badan in aanay ku jirin ayay axsaabta Qaranku u arkeen in hadal aad u macaan oo badan luugu soo qoro buugta.
Xeel-dheere dhaqan aqool ah iyo gabyaa,waa Cabiraxmaan Cumer Cashuur e aan ka soo dheegto maanso khusaysa qodobkan.
Wax loo bogo ka soo biiriyo, beesad kaan qabannin,
Midba haddaanu baash kuugu ool, bogogga taariikhda,
Oo aanad kula baayactamin, waxa badka u yaalla,
Midba wuxuu ku baanaa hadhow, waa u bannaantahay,
Bulshadaan ka helin madaxda, aan ugu bushaaraynin,
Barri wax aanay fulinayn, iyo been ay jecel yiin,
Kama na badow baxaan sacabiya, iyo ciil barriinsaday,
Iyagoon ka baaran-deggin oon, hubinin kiil-boodka,
Duulkii siyaasi aanay baran, boodhan la hor yaacay,
Ee magacyo dhowra u baxshay, ee wali ba buun-buunshay,
Ballankay muddaysteen, markuu baasha kala dhaafo,
Bal haddana saluugee qawaday, baanadda u dacastay,
Bayaankaa madmadow baa ku jira kooda baadila,
Mayska baqayo-roganaana waa goor kasta is-buri,
Iyo biimo kale igu gala xaal badh-qeydhin ahe,
MIYAAN BAALUQII WAAYO ARAG LOO BISLAAN WALI?
Qormadan tan xigta waxa aan si toos ah u guda geli doonaa Maba’diida xisbiga. Haddii Rabbi xaggiisa laga helo.

Advertisement

Ku Xayeysiiso