Zaadka iyo sarifku shuqul iskuma lahee ma cudurka kaa gala fardaha halaga gubo dameerahaa ?

Marka hore Waxaan salamaya bahda togaherer ku hanbalyaynaya siday bulshada uga haqabtiraan wararka
Waxaan intaa u dhaafayaa arinta ilaa shalay la hadal hayay ee ku saabsan sixir bararka iyadoo dawladii go aamo kasoo saartay dadka intii aqoonta laheyd ka yaabisay taasoo lagu aaneeyay in Zaadku kicinayo iyadoo dawladu aanay wax sabab ah raacinin hadaba hadaanu nahay bulshada s/land ee isticmaasha adeegyada kala duwan ee shirkada Telesom waxaa dawlada laga raabaa sharax inay ka bixiso waxaan ognahay in shirkada Telesom tahay shirkada ugu mudan ee bulshdeeda dhiman walba  haday tahay arimaha waxbarashada, caafimaadka,abaaraha oo ay wada  qoyantahay markhaatina ka wada nahay Telesom inay taageeradii ugu badneyd ABID inay ka bixisay abaaraha inagu sii daba dheeraaday ilaahay ha inaga Soo qaboojiyee hadii aan la iska indho tireyn   Zaadka iyo sixirku iskuma xidhnee Arintu ma cudurka kaa gala fardaha halaga gubo dameerahaa dadkana yaan lagu jiheyn shirkada Telesom ee taageerada,la berber taagan hurumarinta bulsheena

Wabilaahi tawfiiq

By SICIID XIIS CABDI (INDHO)
E-mail Siciidxiis@gmail.com
Mobile 0634423721

Advertisement

Ku Xayeysiiso