Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Oo Booqasho Ku Yimi Xarunta Ciidanka Dab-demiska Ee Magaalada Hargeysa.

Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) Oo Booqasho Ku Yimi Xarunta Ciidanka Dab-demiska Ee Magaalada Hargeysa.

Ugu Horayn waxaa halkaa ku soo dhaweeyay Taliyaha Ciidanka Dab-demiska Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili waxaana uu u sharaxay Badhasaabka Gobolka qaybaha ay ka koobantahay xerada ciidanku iyo qaab dhismeedka Maamul ee uu samaynayahay Ciidanka Dabdemiska Qaranka Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan Taliska Guud ee Hargeysa.

Sidoo kale waxaa Taliye Sawaaxili badhasaabka uga mahadnaqay firfircoonida iyo dadaalka dar darta uu la yimi waxaanu taliyuhu sheegay in waxbadan laga filayo badhasaabka cusub.
Suldaan Axmed Daahir Xaaji Muuse ayaa isaguna dhankiisa soo dhaweeyay Badhasabka cusub ee Gobolka waxaana uu suldaanku sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin booqashada badhasaabka soona dhawaynayaan markastaba isla markaana ay diyaar u yihiin wada shaqayn dhex marta maamulka gobolka iyo ciidanka Dabdemiska.

Ugu dambayn Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale),ayaa sheegay inuu aad iyo aad ugu faraxsanahay in maanta uu soo booqdo xarunta ciidanka dabdemiska waxaanuu tilmaamay badhasaabku in booqashadii ugu wanaagsanayd abid uu ku tago xarun dawladeed ay tahay ciidanka dabdemiska qaranka. sidoo kale waxaa badhasaabku ka dhawaajiyay in wadashaqayn wanaagsan uu la yeelan doono Dab-demiska hadh iyo habeena uu diyaar u yahay ciidanka dabdemiska.
Gabagabadii Maamulka sare ee Ciidanka Dabdemiska iyo Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex ayaa salaan ka qaatay cutub ka tirsan Ciidamada Dabdemiska Qaranka Somaliland.

Advertisement

Ku Xayeysiiso