Jiilaalkii dheeraa’
Dhulka xaabkii ka idlaa’
Dhalmo-deys cirkii noqoy!
(Dhahar, Hadraawi. 1980)
Cirku waa gudhan yahay, waanuu ibo-beelay. Dhulku waa habaas iyo omos. Dadku waa diif iyo dar-xumo. Xooluhu waa geeri iyo gamashi, dadka laftooduna xoolaha ayaa ay la qabaan geerida, harraadka iyo gaajada. Geyiguna waa mid hagoogtay xasuus iyo walbahaar. Madax aan xilkas ahayni waa astaan la innagu yaqaanno, shacbi aan iska war hayni waa mid aynu sabanka maanta ah ugu nimid, damqasho la’aantuna waa mid aynu ka dhaxalnay hiddaheennii geel-jirannimo ee soo jireenka ahaa.
Waa abaar gudban oo dhereran, waa abaar hargo-cuna ah, waa abaar ma-hambayso ah, waa abaar hadh-ma-reebto ah, waa abaar hayaan-bi’iya ah, waa abaar ka guur oo abaar u guur! Sida aynu taariikhda ku hayno, amaba aynu ummad ahaan dhaqanka u leenahay, waxa soo jireen ahaa oo la yaqaannay in saban kasta oo tilmaam goonni ah leh laga reebi jiray magac lagu baadi-sooco, lagu xuso oo lagu xasuusto. Waxa ugu weyn ee sabannada lagu sunti jirayna waxa ugu badnaa xilliyada barwaaqada, xilliyada abaaraha, xilliyada colaadaha, imw. Abaarihii hore dalka u soo maray ee loo magacyo bixiyey waxa ka mid ahaa Hargo-cuna, Gaag ma-reeba, Hawaara, Baaha, Gaatama, Isma-daya’, Jiitama, Daba-dheer iyo qaar kale oo badan. Sabanka adkaatay, nolosha cidhiidhyoontay iyo abaaraha geeska fiiqday, waa astaanta sabanka maanta. Sida ay caadadeennu ahayd, waa loo magac bixin jiray abaaraha, ama saban kasta oo xasuus gaar ah lehba, maantana waa ay taagan tahay oo dad ayaaba u geeriyooday gaajo iyo harraad awgood. Haddii aan anigu u magac-bixin lahaa, waxaan odhan lahaa “Ma-hambeeya” waayo duunyadii wax yar ayaa ka baxay, dadkii baanay immika joogtaa oo iyagu halis ku jira.
Haddaba waxa muhiim ah is-weydiintuna tahay, saameyn noocee ayey yeelan karaan abaarahani:
1. Shaqo-la’aanta oo cirka isku shareerta:
Waa hubanti inay dad badan xoolahii ku dhaafeen oo ay maanta caydh iyo faro-madhnaan ka taagan yihiin wixii ay duunyo soo dhaqayeen wakhtiyo badan, waxaanay taasi sababi doontaa inay dad badan oo reer miyi ahi magaalooyinka u soo dagaagaan oo ay soo buux-dhaafiyaan, taasi oo iyaduna sababi doonta inuu sii cakirmo suuqii shaqo-la’aanta ee awalba cakirnaa. Kadib marka ay shaqo-la’aantu sii korodho, waxa la heli doonaa budh-cad dariiqyada dadka u istaagta, waxaana la arki doonaa xeelado cusub iyo falal aan hore u jirin, kuwaasi oo ay kooxiba soo allifi doonta xeeladdooda gaarka ah, si ay uga fir-dhadaan culayska ay shaqo-la’aanto badday. Kooxahani, haddaan laga hor-tegin, waxay khal-khal iyo qalaalaase gelin doonaan nabadda iyo xasilloonida magaalooyinka waaweyn ee dalka.
2. Waxa burbur laxaad lihi asiibi doonaa dhaqaalaha dalka:
Sidaynu wada og nahay, xoolaha nooli waa udub-dhexaadka dhaqaalaha dalka, baaba’a iyo tirtiranka ku yimid ee ay abaartani sababtayna waxay hoos-u-dhac ku keeni doontaa tayada iyo tirada xoolihii dibadda loo dhoofin jiray, taas oo noqon doonta saamaynta ugu shilis ee ay abaartani dadka iyo dadkaba kaga guuri doonto. Waxa iyana soo raaca, hakinta ku timid xoolaha nool oo iyada lafteedu saameyn taban yeelatay sida maantaba muuqata, mustaqbalkana yeelan doonta.
3. Waxa dillaaci doona cudurrada halista ah iyo xanuunnada faafa:
Waxa dillaaci doona cudurrada halista ah iyo xanuunnada faafa ee ay qaarkood geerida deg-degga ah keenaan, waxaanay ka dhalan doonaan raqda xoolaha ee meel kastaba wadhan, gaajada iyo harraadka baaxadda leh ee ka jira degaannada ay abaaruhu saameyeen, nafaqo-darrada iyo haleel la’aanta nadaafadda, xataa marka ay barwaaqadu timaaddo, waxa la filayaa inay cudurradani dhashaan. Cudurradan waxa ugu mudnaan doona shuban-biyoodka, umul-aroorka ama umul-raaca, dhimashada carruurta mujada ah oo badata, iwm.
Intani waa saamaynta muuqata ee la dareemi karo, balse haddii baadhintaanno kale lagu sameeyo waa hubanti in la helayo saameyn intan ka badan oo ay abaartani reebi doonto. Waxa la yaab leh, in aynaan weligeen cibro iyo waayo-aragnimo midna ka korodhsan wakhtiyada ina soo mara, waxaana hubaal ah in aynu wakhti yar kadib iska illaawi doonno dhibaatadan. Waxa fiican in qorshe qaran la sameeyo oo lagula tacaalayo masiibooyinka dabiiciga ah, gaar ahaan abaarta oo innaga inta badan innagu soo noq-noqota.
Geba-gabadii, Ilaahay ayaan ka baryayaa inuu abaarahan innaga soo furto oo uu cirka inoo irmaaneeyo, daruurahana maraqa innooga furo. Aamiin.
Allaa mahad leh xaalad kasta.
Qalinka: Maxamed Sharma’arke
facebook: Maxamed Sharma’arke