Isa-Seeg Qeybtii 2-aad W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Il-milicsigii ugu horreeyay ee dhex-mara Cabbaas iyo Xamda,waxa ay ahayd goob Farmasii ah oo ku taallay Magaaladda,taas oo mid kastaaba uu usoo gallay dan isaga u gaar ah.Tusaale ahaan,Xamdi,waxay wadday Wiil yar oo ay eddo u tahay,kaas oo dhaawac kasoo gaadhay Wajiga,ka dib markii uu si aan u-kas ahayn dhagax ugu dhuftay wiil kale oo ay isku da’ yihiin,kaas oo ay wada-ciyaarayeen.

Cabbaas,ayaa isna waxa uu meesha u yimid inuu kasoo iibsaddo Kiniinka Garaaca,ka dib markii uu ku-murkacday Kubadda Cagta oo uu aad u xiiseeyo Ciyaarteeda.Soo gallitaanka Goobta Caafimaad waxa kusoo  horreeyay Cabaddaas,waxaana isaga oo sugaya qofkii ka horreeyay oo loo shaqaynayo al-baabka kasoo gashay Xamda oo daadihinaysa Wiilka yar oo mararka qaarkoodna  ooyaya,xumadda haysa awgeed.

Cabddaas waxa uu si lamma fillaan ah ugu dheygagay quruxda  layaabka leh ee uu ALLAH ku mannaystay inantan,waxaana uu Ilaabbayba hawshii uu goobta u yimid. Ninkii Farmasigii hayay,ayaa Cabbaas weydiiyay waxa uu doonayo in loo qabto iyo adeegga Caafimaad ee uu rabo in loo sammeeyo,balse waxa uu si deg deg ah u yidhi; “ Haa,Dr.,Inanta ayaa malaa iga fudude iyada u shaqee horta,waakan ilmaha yari ooyayee,annigu waan ku sugi doonaaye”.Ujeedka ugu weyn ee uu leeyahay Cabbaas ayaa ah,isaga oo si weyn u danayna daawashadda wajiga qurxoon ee Xamda iyo inuu si fiican uga boqto Muuqaalkeeda,si ugu yaraan ay dadka ugaga socnaato oo dad badan kasoo dhex-garan karo,iyada oo sababta ugu weynina tahay isaga oo u arka inay tahay Qof aan laga hadhi Karin oo u baahan in xidhiidh dhaw lala yeesho oo laga helo macluumaad buuxa oo Inantan ku saabsan mustaqbalka dhaw.

Ninkii farmasiiga hayay,ayaa guddo-galay u adeegidda Xamda iyo wiilka ay Edada u tahay,isaga oo weydiiyay waxa Wiilka ku dhacay iyo goorta uu ku dhacay,waxaana si dhaw dhaqdhaqaaqeeda iyo qaab-hadalkeedaba u-la socda Cabbaas oo kaarkii iyo Xumaddii Murkacashadda Lugta kasoo gaadhay ay ugu sii darsantahay xumad kale oo ay ku beertay Xamdi,isaga oo gallay xaalad jawi-beddelan ah oo aannu daqiiqado ka hor markii goobta imanayay aan ku lammaanayn,waxaana uu yahay mid aad u dhididisan,iyadda oo xataa lagu jiro bishii December oo ka mid ah Billaha ugu qabaw sannadka,inyar ka hor waxa haysay dhaxan aad ah,waxaana uu xidhnaa Jaageed adag,haddase waxa uu ku siganayaa inuu xattaa Jaakeedkaas bixiyo marka la eego xaaladda dareen-bedel ee uu ku suggan-yahay.

Intii loo shaqaynayay inanta oo  ku dhawayd 20 daqiiqo isaga waxay la ahayd il-bidiqsiyo,waxaana uu si lama-filaan u arkay inantii oo shaqaddii loo dhammeeyay,al-baabkana kasii baxaysa iyo Ninkii Farmasiilaha ahaa oo ka dalbanay inuu u sheego adeegga uu rabo in loo qabto iyo cabashadiisa caafimaad,balse waxa uu si deg deg ah ugu jawaabay; “ Haa,i-sug adeer,waraaqdii dawooyinku iigu qornaayeenba waan soo ilaabaye,mise talaw dhexda ayayba igaga soo lummeen?,bal i-sii-sug”.



La-soco qeybaha Sheekaddan oo aad u xiiso badan,

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Email;Daacad461@gmail.com

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso