Isa-Seeg W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Qurux iyo qaab-dhismeed jidheed ayuu allah ku manaystay.Asxaabteedu waxay u arkaan qof ILAAHAY iskugu daray galaddo badan oo aan inta badan bini’aadamka ku kulmin,waxay nasiib u heshay inay noqoto shaqsi lodkeed ka tilmaaman,taas oo ay daalacdaan gayaan badan oo gayigga kula nool.Waxay ugu yartay saddex hablood oo qoyskooda ka mid ah,inkasta oo ay jiraan wiilaal da’ ahaan ka yar-yari,labadda Hablood ee kale ee ay walaalaha yihiin-ba waxay leeyihiin Reero,inkasta oo aanay qaarkood isku meel ku noolayn oo ay dibaddaha u dhoofeen sannaddo ka hor.Waxay sannado badan kusoo qaatay hayaanka dheer ee waxbarasho,kaas oo isa-soo baray wajiyo badan oo ay hadda qaarkood kala waji-dadbaan,iyadda oo ay sababta ugu weyn ee arrintaas keentayna ay tahay dallabaadka badan ee ay usoo jeediyeen wiilal xiliyo kala duwan ay isku goob waxbarasho ahaayeen,balse ay dhammaantoodba ay ku gacan-saydhay dalabiyaddii ay usoo jeediyeen.Waxay u muuqataa inay tahay shaqsi isla-han-weyn oo u aragta hadaladda farriimaha haasaawe xambaarsan ee gayaankeeda kaga imanaya qaar aan xaqiiqo ahayn ama aan xiligoodii joogin.Waxay aaminsantahay in waxii ALLAH u qoray aannu sinaba ku seegayn,haddana waxay diidaysaa inay Wiilal badan sheeko-wadaag la noqoto,taas oo Hal-xidhaale ku noqotay dad badan oo ka war-helay inay calafkeeda sugto tahay,waxaanay is-weydiiyaan sababta aanay Dibnaha ugu kala qaadin hal Wiil,haddana ay ku doodayso in Calafkeedu u iman doono maalin maalmaha ka mid ah.Wiilal badani hadalka noocaas ah waxay u arkaan mid aan nuxur lahayn,taas oo macnaheedu yahay in halka ay Inantani u socoto iyo halkay la-doonayaan ay kala fog yihiin.Tusaale ahaan,iyaggu waxay doonayaan inay iyagga oo dalka jooga ay ku qanciyaan inay sheeko-wadaag yeeshaan,ugu denyntana ay isla meel-dhigeen sidii dhidibadda looggu taagi lahaa qoys ku dhisan kalgacayl iyo is-aammineed labbadda dhinac,halka hal-beegga Inantuna uu baddaha ka tallaabay,isla-markaasna ay doonayso inay gacan-saar la yeelato Wiilal aanay isku Deegaan ahayn,ama aanay isku waddan joogin,kuwaas oo ay u aragto inay Nolal ahaan iyo Sumcad-ahaanba ay wanaagsanyihiin wiilasha kale ee ay isku deegaanka yihiin.Iyada oo xaalku sidaas yahay Inantaasina sidaas u fikirayso,ayaa haddana waxa walaac badan ku haya sida xawaaraha leh ee uu wakhti u ordayo,waxaanay arkaysaa Hablo badan oo ay u arkaysay inay ka dheg-roontahay,haddana maalin walba lasoo doonayo,loona sheekayo inay heblaayo maanta aroos-tahay,heblaayo kalena ay Caruur leedahay.Waxa kolba sii adkaanaysa inay is-la hesho hankeeda fog iyo Xaqiiqda ag-taalla,taas oo ah;in aanay wali waxba kasoo naaso-caddayn sheekaddii ay baddaha ka tallaabisay ee qorshaheedu ahaa inay ugu yaraan kaga faro-baxdo Nolasha deegaanka ay mudada dheer iyadda iyo waalidkeedba kusoo noolaayeen.sannadba sannad ayuu usii dhiibayaa,waxaana haatan laga jooga Todoba sanno,markii ay Wiilkii ugu fursadda wanaagsanaa ee si cad  guur ugu soo bandhiggay ay kala dhaqaaqeen,ka dib markii ay ka gaws-adaygtay inay uga hal-celiso dareenkii kalgacal ee uu kula soo ciiray,kaas oo ilaa maanta u qaadan la’ sidii ay uga fal-celisay dalabkiisii uu mudada dheer dhawrayay,isaga oo aan meeshaba soo dhiggan in dalabkiisa lagu gacansaydhi doono,isla-markaasna aan xattaa wax garawshiyo ah la-siinin,taas oo lama filaan iyo lama arag ku reebtay,ilaa haddana uu dhibkiisii la-baaxaadagaayo.Waa Dumar iyo garaadkood’e,waxaabay fagaarayaal badan kaga sheekaysay wakhtigaas arrinta Wiilkaas dhex-martay dareenka jacayl ee uu usoo bandhigtay,taas oo noqotay arrin meello badan oo dhalinyaraddu ku kulmaan lagaga maadaysto,lagagana sheekeeyo usluubka ay Inantaasi martay iyo cawaaqibka ay suuragaltahay inay ku yeelato Mustaqbalkeeda nololeed ,iyadda oo ay u arkayeen inay tahay Tix-gallin la’aan iyo qaddirin la’aan xanuun ay dad badani la deris yihiin,taas oo aan mudnayn in laysku qariibsaddo.

Inanta aynu sawirka noocaas ah ka bixinay;Waa Xamda oo ah 21 jir kuna nool magaaladda Hargaysa,waxaana  Qisaddan ka sheekaynaya Cabbaas oo ah wiilka ay ku socoto Sheekaddani,waana 23 jir isna ku nool Magaaladda Hargaysa,labbadda qof waxa dhex-maraysa nooc ka mid dareenadda Bini’aadamka isku-sidka,balse nasiib-daradda jirta ayaa waxay tahay Dareenka Kalgacal ee noocaas ahi waxa uu yahay mid hal dhinac sannado badan ka rarnaa,waxaana labaddan qof dhex-maraya waayo wajiyo badan leh oo Taxnaa muddo sannaddo ah.

La-soco qeybaha Sheekaddan oo aad u xiiso badan,

W/Q: Mohamed Hassan Daacad

Email;Daacad461@gmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso