Akhriso: Warqad Aad Si Xikmadaysan loo Qoray Oo Gabdhaha Bush u qoreen gabdhaha Obama.

Gabdhaha George W Bush ayaa waraaq furan u qoray gabdhaha Obama oo isu diyaarinaya in ay ka guuraan Aqalka cad ee looga arrimiyo dalka Maraykanka.

Xilka madaxwayne Obama ayaa ku eg labaatanka bisha Jannaayo.

Jenna Bush-Hager iyo Barbara Bush ayaa warqaddan u qoray si ay nolosha cusub ugu tilmaamaan gabdhaha Obama.

Gabdhahaas Bush ayaa ku noolaa Aqalka Cad siddeed sano intii u dhaxaysay 2001 ilaa 2009kii, intaas ka dibna waxay billaabeen jaamacado iyo shaqo.

Waatan warqaddii ay gabdhuhu qoreen oo ay daabacday jariidadda Time Magazine.

“Malia iyo Sasha siddeed sano ka hor maalin uu qabaw jiro oo bishii Nofembar ka mid ah waxaan idinku salaanay albaabka Aqalka Cad. Waxaa indhihiina ka muuqday farxad iyo in aad rabteen in aad wax ka ogaataan gurigiina cusub.

“Waxaan wakhti hore ka soo tagnay shaqooyin kanagii Baltimore iyo New York waxaana u safarnay magaalada Washington si aan idiin kala barno Aqalka cad.

In aan idin tusno guriga jiifka ee Lincoln iyo sariirihii mar ahaa kuwanagii, si aan idiin barno dadka oo dhan, kuwa ubaxyada ka shaqeeya, kuwa beeraha iyo qaab dhismeedka kale ee dhulka ka shaqeeya iyo shaqaalaha kale ee noloshooda galiyay in dhismahan taariikhiga ah uu noqdo guri”.

“Afarteenuba waxaan si tartiib ah u dhex lugaynay hoolalka cajiibka ah ee ku yaalla gurigaas oo aad ku qasbanaydeen in aad u soo wareegtaan

“Sideed sano ka dib wax badan ayaa idiin qabsoomay. Wax badanna waad aragteen.

“Waxaad istaagteen Albaabada xabsiga Robben Island halkaas oo uu tobannaan sano ku xirnaa Nelson Mandela-ha Koonfur Afrika, idinkoo aabihiin idin ag taagan yahay.

“Waxaad u socdaaasheen Liberia iyo Morocco idinkoo hooyadiin la socda si aad ula hadashaan gabdho uguna sheegtaan ahmiyadda waxbarashada – gabdhahaas oo iyaguna idin arkay, waalidkiinna arkay, kuwaas oo arkay cidda ay noqon karaan haddii ay aqoonta sii wataan oo ay wax bartaan.

“Waxaad ka qayb gasheen cashooyin ay xukuumaddu samaysay, waxaad la kulanteen hogaamiyeyaasha caalamka, waxaana idiin suuragashay in aad ku qosashaan kaftankii uu aabihiin ka jeediyay xafladda sanad laha ah ee Aqalka Cad ka dhacda ee loo yaqaanno Thanksgiving turkey pardon, idinkoo carruur ahna waxaad dhigateen iskuul waxaadna yeelateen asxaab.

“Hadda waxaad ku biiri doontaan koox kale, idinkoo ka mid noqon doona caruurtii madaxdii hore, idinku maydaan dalbanin mana jirto wax shuruuc ah oo u dajisan kooxdaas

“Laakiin wax badan ayaa idin horyaalla. Waxaad hoosta ka xariiqi doontaan taariikhda noloshiina, taas oo ka baxsan ku hoos noolaanshaha waalidkiin oo caan ah, laakiin waxaa waligiin idinla socon doonta khibraddii aad kororsateen sideeddii sano ee la soo dhaafay.

“Marnaba ha iloobina dadka wanaagsan ee Aqalka Cad ka shaqeeya

“Calaaqaad dhaw ayaan lahayn dharcaddeena ama sirdoonkeena. Qayb ayayna ka ahaayeen korniinkanagii: waxay la socdeen shukansiganagii u horeeyay, maalmahanagii u horreeyay iyo xitaa faraanti galis kanagii iyo todobaxanagii.

“Waan ognahay markaste arrin sahlan ma ahayn, labdiina iyo labadanaduba da’yar ayaan ahayn niman ayaana markaste inagu ladhnaa laakiin noloshoodii ayay teena darteed u xakameeyeen.

“Koleejkiina ku raaxaysta. Sida uu adduunku ogyahay anagu sidaa ayaan samaynay, garbihiina yaryarna culayskii adduunku ma saarna hadda, waxay hiwaayadiinu tahay sameeya. Shaqsiyaddiina barta, khaladaad ha idinka dhacaan waa la idiin ogol yahay.

“Waxaad sii wadaan in aad naftiina ku xeertaan saaxiibo daacad ah oo aqoon idiin leh, maqsuud idinku ah oo idin difaaca iyaga oon baqayn. Kuwa marxaladda aad maraysan idinku qiimeeya idinma jecla, waxay idin dhahaanna qiimo ha u yeelina, taas badalkeedana waxaa muhiim idiin ah niyaddiina.

“Wixii aad korodhsateen oo dhan la soo taga, hanoqoto dadkii aad la kulanteen, cashiradii aad barateen, taasina ha idinka caawiso in aad isbadal wanaagsan la timaadaan. Shaki nagagama jiro in aad sidaas samayn doontaan.

“Safaradii aan waalidkanno la galnay waxaan ka baranay wax ka badan waxkaste oo aan fasal dhexdii ku baran karnay. Indhahanaga ayay u fureen dad cusub iyo sidoo kale dhaqammo iyo fikrado cusub.

“Waxaan la kulanay shaqaale warshadeed oo Michigan ku sugan, macallimiin California jooga, dhakhaatiir dawaynaya dad jooga xadka Burma, carruur taagan wadooyinka boorka leh ee magaalada Kampala si ay u arkaan madaxwaynaha Maraykanka, iyo carruur qaba fayraska HIV oo sugaya in ay helaan dawada antiretroviral taas oo laga yaabo in ay noloshooda badbaadiso.

“Gabdh dhuuban oo qabta saakadeedii ugu qurux sanayd waxay u muuqatay da’yar, laakiin ma aysan ahayn.

“Wax yar ayay ahayd sababtoo ah way xanuunsanayd, hooyadeed waxay sheegtay in aysan filaynin in ay noolaan doonto si ay u aragto in dawadaasi ay shaqayn doonto, laakiin laga yaabo iyo in ay arkaan gabdhaha iyo wiilasha ay walaalaha yihiin. Markii aan gabadhaas la kulanay ka dib, Barbara waxay ku laabatay iskuulka waxayna badashay cilmigii ay rabtay in ay ku takhasusto iyo waliba wadadii nolosheeda.

“Waxaad ku soo noolaydeen cadaadiska aan la aamini karin ee Aqalka cad, waxaad dhagaysateen eedaymaha ad’adag ee waalidkiin ay u soo jeedinayaan dad aan xataa waligood la kulmin.

“Waxaad u soo joogteen iyadoo waalidkiin ay ka yaraadeen in lagu soo qaado wararka ugu doorka roon, waalidkiin oo wax walba idinka hormariyay kuwaas oon Adduunka idin tusin oo kali ah ee waliba idiin hibeeyay. Siday waligoodba soo ahaayenna rukummo adag ayay idiin noqon doonaan idinka oo bilaabaya cutubka xiga ee noloshiinna. anaguna sidaas oo kale ayaan idiin tilmaami doonnaa”.

Advertisement

Ku Xayeysiiso