Wax Ka Baro Taariikhda Dalka Gambia Ee Ku Yaala Galbeedka Afrika

Dalka Gambia Hadda Waxaa La Yidhaahdaa Jamhuuriyadda Islamiga Ah Ee Gambiya , Caasimada Wadanka Waxaa La Yiraahdaa Banjul , Magaalada Ugu Weyn Wadanka Waa Serekunda, Sidoo Kale Dalka Gambiya Waa Dalka Ug Dhulka Yar Qaarada Africa , Waxaana Bedkiisa Lagu Qiyaasaa 10.689 Km Oo Isku Wareeg Ah, Gambia Ama Jamhuuriyadda Gambia, Afrika. Waxaa Uu Ka Mid Yahay Wadamada Ku Yaala Galbeedka Qaaradda Africa, Wax Uu Xuduud La Leeyahay Wadanka Senegal Oo Ka Xiga Bari,Galbeed Iyo Waqooyi , Waxa Dhexmara Wabiga Ganbiya (Gambia River ) Kaas Oo Biyaha Ku Dara Badweynta Atlaantik (Atlantic Ocean)

Dalka Gambiya Waxaa Uu Xorriyadiisa Ka Qaatay Ingiriiska Oo Gumaysan Jiray 18 Bishii February Sanadkii 1965, Tirada Dadka Wadankaasna Waxaa Lagu Qiyaasaa Ku Dhawaad Hal Milyan Sideed Boqol Milyan Oo Ruux.

Lacagta Dalkaan Laga Isticmaalo Waxaa La Yidhaahdaa Dalasi Gaadiidkuuna Waxay Isku Dhaafaan Dhanka Midig Marka Wadankaasi La Joogo.

Luuqada Koowaad Ee Wadanka Waa Af Ingiiiskuna Waxaase Jira In Ka Badan 82 Oo Luuqadood Oo Wadankaasi Looga Hadlo, Waxaanka Mid Ah Luuqadaha Ugu Waa Weyn Dalkaas Mandinka, Fula, Wolof, Serer And Jola, Calanka Dalkaasi Waxaa Uu Ka Kooban Yahay Midabada Casaan, Buluug Iyo Gaduud Khafiif Ah,

 Waxaa La Sheegaa In Wadanka Gambia Ay Ka Talin Jirtay Boqortooyadii Senegal Ee La Oran Jiray Takrur, Dhaqaalo Ahaan Wadankaan Waxsaa Uu Ka Mid Yahay Wadamada Africa Ee Dhaqaalahoodu Kobcayo,

Dhaqalaha Dalka Gambiya Waxay Ka Helaan Dalagyada La Beerto U Dhoofiyo  Dibadadda iyo Dalxiiyaasha . Qiyaastii 57% Dadka Wadanka Gambia Waxaa Lagu Sheegaa Inay Miyiga Ku Noolyihiin Inta Kalena Waxaa Noloshooda Badankood Ku Tiirsantahay Kaluumaysiga. Dhanka Diimaha Haddii Aan Eegnana Islaamka Ayaa Ah Diinta Ay Dadka Ugu Badan Heystaan Waxaana Muslimiintu Bulshada Wadankaasi Ka Yihiin 95% In Ka Badan.

Dalka Gambiya waxaa ka jirta dawlad ku shaqaysa dastuur u qoran waxaana dalku leeyahay M/weyne, M/weyne ku xigeen iyo baarlamaan. Waxaan soo maray saddex madaxweyne Madaxweynihii ugu horeeyay ee six or ah loo doortay markii

Xorriyadiisa ka qaateen gumeystii Ingiriiska waxaa uu ahaa Sir Dawda Kairaba Jawara, Madaxweyne Yahya Abdul-Aziz Jammeh Ayaa Noqday Madaxweynihii labaad ee dalka gambiya yeelato , kaas xukunka ku qabsaday inqilaab militeri sanadku markuu ahaa  1994 , Mr Jammeh ayaa muddo labaatan sano xukunka haya, waxaana lagu tilmaamaa mid ka mid ah hogaamiyeyaasha keli taliska ee Galbeedka Qaarada Afrika

Wadanka Gambiya Hadda Waxaa Uu Xubin Ka Yahay Qaramada Midoobe (United Nations), Ururka Midawga Africa (African Union), Ururka Shirweynaha Islamka Iyo Ururka Dhaqalaha Galbeedka Afrika Ee Magacooda Loo Soo Gaabiyo ECOMAS Iyo Ururo Kale Oo Caalami Ah

Qalinkii Iyo Diyaarintii Garyaqaan Muhiyadiin Mohamed Abdi

Advertisement

Ku Xayeysiiso