Garnaqsi Dhex Maray Shacabka JSL & Siyaasiyiinta Dalka Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Garnaqsi Dhex Maray Shacabka JSL & Siyaasiyiinta Dalka

Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

Shacabka JSL: Ka warama xaalada dalka?

Siyaasiyiinta Dalka: Dalkeenu horumar iyo badhaadhe weeyaan, maalinba maalinta ka dambaysana waynu sii horumaraynaa.

Shacabka JSL: dhinacyadee ayuu horumarkaasi ka jiraa?

Siyaasiyiinta Dalka: dhismayaasha, miyaanad arkayn fooqyada waawayn ee dalkeena ku soo kordhaaya, miyaanad arkayn warshadaha ay cusub ee dhismaaya, miyaanad arkayn kor u kaca ganacsiga, sidoo kale ha ilaabin dhismaha wadooyinka.

Shacabka JSL: arrimahaasi aad xustay yaa sameeyay oo amaanteeda leh, ma aniga oo ah shacabka mise idinka oo siyaasiyiin ah??? Dhismayaasha miyaanaan annagu dhisan, oo fooqyadan waawayn ee aad ku faanaysaan miyaanaan annagu ku tabcin, warshadaha iyo ganacsiga aad xusteena miyaanay ahayn kuwo aanu xoogaayaga ku keenay, wadooyinkuna miyaanay ahayn kuwo aanu annagu qaadhaan ahaan u bixinay inteedii badnayd, oo idinku inta aad ka bixiseen isla miisaaniyada aad naga ururisaan ay aad u kooban tahay, markaa wax aad ku faantaan taasi idiin noqon maysee wax kale keena?

Siyaasiyiinta Dalka: waad khaldan tahay, oo arrimahaasi aan sheegay miyay kuu suuragali lahayd haddii aanay nabadgalyo jirin? Nabadgalyaduna waa mid aanu annagu abuurnay, sidaa daraadeed, arrimahaasi hore oo dhan waa kuwo aanu xaq u leenahay in aanu ku faano.

Shacabka JSL: si aad u garatid cida nabadgalyada abuurtay, waxaad marka hore is waydiisaa waa kuwee cidii laga ilaalinaayay inay dalka nabadgalyo darro ka ridaan? Amaba si kale hadaan kuu waydiiyo, dalkeenu markii uu ku jiray dagaaladii sokeeye cida dagaalamaysay ma annaga oo shacab ah ayaa dagaalamaynay, mise idinka oo siyaasiyiin ah ayaa dagaalamaayay? annagana waxaad noo quudheen in aanu qoxoonti noqono, markaa taa carrabka haba soo marin haddii kale waxaad nagu kalifaysaa in aanu soo faqno danqasho badan oo aanu is ilawsiinay, idinkana arrintaasi maxkamad ayaanu idinku soo taagaynaa.

Siyaasiyiinta Dalka: maya, maya, sheekadu yay inala fogaan, ee waxba ha ka soo qaadin, laakiin dhinaca kale marka aad ka timaadid hadaanu qirno in aad idinku shacab ahaan tihiin kuwii nabada abuuray oo aad annaga nagu khasabteen in aanu joojino colaadihii sokeeye ee dalka, su’aasha meesha taallaa waxay tahay, Nabadaasi aad abuurteen shacaboow yaa ilaaliyay oo hadh iyo habeen gaadhka ka haya, miyaanay ahayn dawlada siiba booliska aanu annagu siyaasiyiinta u nahay?

Shacabka JSL: maskaxdiina ayaan la yaabay! Ma awood darro ayaa igu kalifta hadaan shacab ahay in aan booliska u ash-katoodo? Jawaabtu waa maya, oo aniga oo gurigayga uu qorigu yaallo ayaan haddana doonaa in aan booliska u soo cawdo si aan u ilaaliyo nabadgalyada iyo dawladnimada, markaa aniga ayaa amaanteeda mudan in aan booliska ka shaqaysiiyo oo aan aamino inuu ii yahay saaxiib dhaw, laakiin su’aasha is waydiinta mudan waxay tahay idinku hadaad tihiin madaxda maamusha booliska, waxaad wali awoodi la’ dihiin in aad booliska u samaysaan nidaam fiican oo uu adeeg nabadgalyo oo hufan noogu adeegi lahaa, taasoo nagu kalifta hadaanu nahay shacabka in aanu kaba cabsano booqashada saldhigyada booliska oo aanu ka door bidno in aanu arrimahayaga si fudud u dhamaysano, markaa maxaad wali u awoodi la’dihiin in aad booliska u tababartaan inay ii arkaan muwaadin ixtiraam mudan? Maxaad idinka hor taagan inaad booliska ka badashaan qoryaha dagaalka , maadaama aanuu shacabku hub kala hortagin ciidamada?

Siyaasiyiinta Dalka: arrimahaasi aad xustay waa kuwo la xidhiidha dhaqanka shacabka oo aanay dawladnimadu shuqul ku lahayn, oo shacabkeena ayaa ah mid leh kal baqasho oo ma laha kal xishood.

Shacabka JSL: waxaad u jeedaa (Wixii xunba xaawaa leh), laakiin ku sii dheeraan maayo qodobkaasi, ee waxaad ii sheegtaan bal waxa aad manfac na tarteen hadaanu nahay shacabka JSL?

Siyaasiyiinta Dalka: walaahi waan idin la yaabnay, oo maxaa ka weyn in aad hesheen dawlad iyo madax-bannaani?

Shacabka JSL: dawladnimadaasi aad sheegaysid waa mid manfaceedu aad idinkuun haysaan hadaad tihiin siyaasiyiinta dalka, oo idinka ayaa mushahar ballaadhan ku qaata, idinkaana guryo iyo gawaadhi qaali ah ku hela, se laakiin hadaanu nahay shacabka wali wax manfac ah kama hayno dawladnimadaasi aad noogu mano sheeganaysaan, oo magaca dawladnimo oo qarax ah waxba noo tari maayo, oo dawladnimo noo noqon maayo raashin aanu siino dadkaayaga, ama waxbarasho aanu caruurtaayada barno ama caafimaad… iwm.

Siyaasiyiinta Dalka: Manfacaasi wuxuu imanayaa marka dalka la aqoonsado, oo wali ma nihin dal la aqoonsan yahay.

Shacabka JSL: aqoonsiga ayuumbaad ka dhigataan wax aad kaga baxsataan la xisaabtanka , ee waxa aad ii sheegtaa miyaanay jirin dawlado fara badan oo aqoonsi haysta haddana aan horumar haysan? Muxuu kuwaasi aqoonsigu wax u tari waayay? Sidoo kale miyaanay jirin dawlado badan oo aan aqoonsi haysan haddana dalkoodii iyo dalkoodii horumariyay?

Siyaasiyiinta Dalka:  Maxaad u jeedaa maanta? Yaa nagu kaa diray maanta? Soo digii maaha ahaa shacab dagan oo buuqa neceb oo sida aanu doono ka yeeli jirnay, waxa aanu doonana ku sasabi jirnay?

Shacabka JSL: waxaan doonayaa in aan xisaabtamo, maanta waxaan u dhimanayaa gaajo iyo haraad, abaarana xoolahaygii way iga wada laayeen, inta magaalada degganna waxa gubaaya sicir barar cirka isku shareeray, markaa waxaan is waydiinayaa halka ay masiibooyinkaasi oo dhani iiga yimaadeen?

Siyaasiyiinta Dalka: Malaa shacab yahaw waxa aad kala garan la’ dihiin Ilaahay iyo Siyaasiyiinta Dalka? Arrimahan aad sheegaysid dhamaantood waa kuwo uu Ilaahay qadaray ee maxaad annaga noogu eedaynaysaa?

Shacabka JSL: Hore ayaa loo yidhi ( doqon Alle taqaan lagama gar helo) oo Ilaahay miyaanuu ina farin diyaar-garaw iyo tabaabushe, oo qudhaanjada yar ee taagta daran ayaaba leh maamul, oo maamulkeedaasi wuxuu ku hogaamiyaa inay kayd samaystaan sidii ay aafooyinka ku soo food leh ay uga hor tagaan, aboorka ka sii yarna waa sidaasoo kale, ee talaw dawladeena maxaa ka dhigay mid ka taag daran aboorka iyo qudhaanjada?

Siyaasiyiinta Dalka: Horta kaalay shacabyahoow, in badan ayaan kuu dul qaatee, annaga horta yaad na moodaysaa? Ma dad ajaanib ah ayaad na moodaysaa? Waxaanu nahay dad muwaadiniin ah, oo idinka ayaa na doortay xilkana noo dhiibtay, oo haddii aanu nahay annagu sababata dhib kasta oo dalka haysata, idinkuna shacab ahaan waad nala qaybsanaysaan eedaasi maadaama aad idinku na doorateen, oo illayn xoog idinkumaanaan qabsan.

Shacabka JSL: waa run annagaa idin dooranay, laakiin annagu hadaanu shacabka nahay badankaayagu waxaanu nahay dad jaahil ah oo aan aqoon lahayn, oo ma naqaano dawladnimada iyo diimuqraadiyadu waxay tahay, oo idinka ayaanu idin aaminay oo idinku kalsoonaanay in aad noo noqotaan madax isla markaana noo noqtaan macalimiintii wax na bari lahaa ee dhibta na haysata naga saari lahaa, waa run in haddii aanu idinla xisaabtami lahayn in aydaan sidaasi foosha xun aydaan u dhaqanteen, laakiin annagu shacab ahaan maba lihin aqoontaasi, ee Ilaahay dartii ayaanu idinku aaminay, idinkuna aaminaadaayada ayaad dayacdeen, oo xoolihii aanu idiin dhiibanay ayaad is tidhaahdeen waa xoolo dadkii lahaa aanay idinku qabsan doonin, taasina ay idinku kaliftay inaad ku tagrifashaan.

Siyaasiyiinta Dalka: Hadal badan dan baa dhaanta. Arrimuhu sidan ay u socdaan ayay u sii socon doonaan ee ha ku daalin, horumarkana waynu gaadhi doonaa ee samra boqolaal sannadood, illayn dawladaha horumaray laftoodu boqolaal sannadood ayay u samreen siday u soo gaadhaan meesha ay maanta taagan yihiin, ee waxaad tihiin shacab deg-deg badan.

Shacabka JSL: Yeeli mayno inay dhibaatada na haysataa sidan u sii socoto, umana sii dul qaadan doono fashilaada hogaamineed ee maanta nagu haabsatay ee ka muuqata dhamaan siyaasiyiinta dalka hadday yihiin xukuumad iyo dhamaan saddexda xisbi iyo goloyaasha labada aqal iyo golayaasha deegaankaba.

Siyaasiyiinta Dalka: maya, horta is dajiya, oo ii sheega qoloma ayaad tihiin?

Shacabka JSL: waxaanu nahay shacabka JSL oo dhamaystiran oo beelihiisa oo dhan ka soo jeeda.

Siyaasiyiinta Dalka: waa sax cabashadiina wax baanu ka qabanaynaa, ee waxaanu u baahanahay in aanu si mug leh u dhagaysano cabashadiina, ee maalinba reer ayaanu la kulmaynaa insha Allaah, haddanna kala taga, oo barina ha noo yimaadaan reer qansax, saad-dambana reer qudhac, jadwalka aanu reeraha kula kulminana annagaa idiin soo sheegi doona.

Shacabka JSL: oo Maxaa Diidaaya in aad nagula kulantaan annagoo midaysan oo ah shacabka JSL, oo taasaaba idiin fudud, halka aad kulamo badan qaban lahaydeen?

Siyaasiyiinta Dalka: Maya, annagu cadaalada ayaanu jecel nahay, oo waxaanu doonaynaa in aanu beel walba sideeda u siino wixii ay xaq u lahayd, haddii kale reeraha qaar xaqoodii waxa cunaaya reero kale oo ilaa waligood dusha kaga taagnaa.

Shacabka JSL: Haa, waa runtiina, idinka ayaa saxan, annaga ayaa isku noqonayna, oo waxaanu idiin iman doonaa annaga oo reero ah.

Muddo Ka Dib

Shacabka JSL: ka dib markii aanu in badan ka fikirnay, waxaanu aragnay in sababata ka dambaysa dhibta maanta na haysata ay tahay in annaga shacab ahaan naloo kala saar-saaray qabaa’il, halkii aanu u midoobi lahayn danta guud ee dalka, arrintaasina waa khiyaamo idinku aad nagu kala qaybinaysaan, waana idinku fahanay, oo idinka yeeli mayno.

Siyaasiyiinta Dalka: Maya, Ilaahaybaa yidhi ( Wa Jacalnaakum Shucuuban Wa Qabaa’il), ee ma Ilaahay ayaad diidan tihiin?

Shacabka JSL: haddaad qabaa’il ku dhagan tihiin, waxaad noqotaan madax qabaa’il oo sooc ah, oo bixiya shaadhka dawladnimo ee aad xidhan tihiin, sababtoo ah labadan arrimood ee aad isku khaldaysaan (qabiilka & dawladnimada) ayaad ka dhigateen dhufays idinka bad-baadiya la xisaabtanka, oo kolba ka la idiin soo joogsado ka kale ayuumbaad u boodaysaan, oo hadaanu is nidhaahno reernimo idinkula xisaabtama waxaad na odhanaysaan dawlad ayaynu nahay, hadaanu is nidhaahnana dawladnimo idin kula xisaabtama waxaad na odhanaysaan reero ayeynu nahay, markaa yeeli mayno, khiyaamooyinkaaasoo dhanna waanu idinku fahanay.

Siyaasiyiinta Dalka: Marna taagtaa, Marna tamartaa

Shacabka JSL: la xisaabtanka Qiyaamuhuna wuu inoo hadhsan yahay

Advertisement

Ku Xayeysiiso