Balaayada Shinkeed Galay Fid-Nada Laga Shaqaynaayo Shoocaali-Geedaan Arkaa Waana Shey Jira,E.

Balaayada Shinkeed Galay Fid-Nada Laga Shaqaynaayo Shoocaali-Geedaan Arkaa Waana Shey Jira,E.

Khasaarihii Hantiyeed ee Shalay ka Dhacay Guriga Ganacsade Cumar Caydiid Ex.Itiyaatar Waxaanu u Raacaynaa Reer Ahaan Moyer Soltelco.
Ileyn Khasaare Maalin Walba Jooga Taag uma Haynee. Samirkiina Wuu Naga Dhamaaday. Cumar Caydiid-na Maaha Falastiini.

Garasow anaa kula hadlee, gacalkayow heedhe.
Nafta gororaheediyo haddii, galowda lays taabto.
Geesteyda waafule ninkii, goob ka saahidaye.
Guddoon dhacayna waa doqon ninkii, gaar u faashadaye.
《Gud-gude Hadraawe》

☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆☆

Ninka Masuulka Ah, Ee Xil Umadeed Haya. Waxa u Wanaagsan Qiimana u Yeela u Cadaaladd Soor-Ka Bulshada uu Xil-Ka u Hayo.

Sidoo Kale Waajibaadka Saaran Masuulka Xil Umadeed Haya, Waxa ka Mida Inuu Wada Dhagay-sto Dhinac-yada Is Haya Ee Ka Mida Bulshada uu Xil-Ka u Hayo. Si uu uga Gar-niqi karo Masuulku Dac-wadda Dhinac-yadu Isku Hayaan.

Waxa Kaloo Jira Nabad-galyadu Waa Tiir-dhexaadka Dawlad-nimo, Sidaa Darteed Ninka Masuulka Ahi Marka uu Galayo Fulin Dhac-wadeed Hadiiba Ay Jirto. Wanaagu Waxa Weeye ka Hor Intaanu Galin Fulinta Inuu Dhinac-yo Badan Eego Hawsha Fulineed, Sida Is-waydiinta Maxaa Ka Iman kara Samaynta Fulineed Isagoo Mud-naantana Siinaya Saamaynta Nabad-galyo.

Waxa Kaloo Daruuriya Ilaalinta Hantida Muwaadinka Lagu Fulinayo Hawsha Fulineed. Taasooy u Horey-so In La Siiyo Muwaadinka Fulinta Lagu Samaynayo Ogg. Si uu Uga Sii Urur-sado Wixii Hanti Iyo Agab ka Taala Bog-cadda Fulintu ka Dhacayso.

Hadaba Shalay Waxa Ka Dhac-day Guriga Ganacsade Cumar Caydiid Ee ku Yaala Town-Ka Magaalada Hargaysa Wax Lagu Sheegay Fulin Waddo Banayna. Taasoo Daba Socotay Muranka Baakinka Itiyaatarka Laakin Nasiib Wanaag Dhamaatay. Fulintaa Sharci-darrada Markii La Samaynayay Lama Soo War-galin Muwaadinkii Maal-gashiga ku Sameeyay Dhis-maha Weyn Ee Qiimaha Badan, Dhismahaasooy ku Bax-day Lacag Ka Badan Toban Mil-yan.
Sida Bulsho Weyntu Wada Arkaysay Halkaa Waxa ka Dhacay Khasaare Fara Badan Oo Isugu Jira Hanti kala Duwan, Taasoy Ugu Weyntahay Muraayadihii Waa-weynaa ee Lagu Dhisayay Dhinac-yada Dhismaha Iyo Al-baabada Meheradaha Taasoo Laga Dhigay Habaa’an Man-suuraa. Iyadooy Horena u Dhacday Dhawr Jeer Hawshan Oo kale Mag-dhaw Laga Siiyayna aanay Jirin Horeyso Iyo Danbeyso Toona. Intaa Waxa u Dheer Muwaadinkaa Maal-gashiga ku Sameeyay Dalkeenan JSL. Hagar-daamooyin Iyo Farsamo Xumooyin Dawladdu Kula Kacday Muwaadinkaa. Iyadooy Dhac-day In Lagula Kacay Xadhig Iyo Xorriyadoo Laga Qaaday Laba Jeer.
Hadaba Fulintii Shalay Ee Lagu Baabiiyay Hantidii Muwaadinkaa Waxa Fuliyay Moyarka Caasimadda Hargaysa C/raxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco. Sidaa Darteed Khasaarihii Shalay Dhacay Cidda aanu u Raacaynaa Reer Ahaan Waa Moyer Soltelco.

Bulsho Weynta Caasimaddana Sidaa Ayaanu ku War-galinaynaa. Waayo Waa Waajib Ina Wada Saaran Inaynu u Hiilino Muwaadinkaa Hore Iyo Dibba Xukuumaddu u Xumaysay. Sidoo kale Waa Inaynu Muujinaa Sida Aynu Uga Xunnahay Dul-miga Iyo Tacadiyada Kala Danbeeyay Ee Lagula Kacay Muwaadin/ganacsade Cumar Caydiid. Dhawris-ta Iyo Ilaalinta Nabad-galyaduna Waa Waajib Ina Wada Saaran.

Khulaasatul Qawl:-

Qab qab dhaafay waa waxay laba qabiil, qaran ku weydaaye
Qaabiilba Haabiil markuu, qoonsaduu dilaye
Alle Ha u Naxariisto Abwaaan Faarax Nuur.

Ugu Danbeyn.

Gobannimana waa quus ninkii, gawska dhaafsadaye.
Ummad geeska loo tumay habeen, gocasho soo jeeddo
Haddii aan tashiga loo golayn, amase gaashaanka
Fallaadhiyo gabooyaha haddaan, godobta loo taaban
Iyadoo gadoodiya hadday, fadal garmaammayso
Hadba nabar gataatiya hadday, gebi dhac tuuryayso.

Allaa Mahad Leh.
Garyaqaan Keyse Koosaar Cilmi.

Advertisement

Ku Xayeysiiso