Xisbiga_DANTA ayaa ka Horreeya Saddexda Xisbi Qaran.

Xisbiga_DANTA ayaa ka Horreeya Saddexda Xisbi Qaran.
.
Labadeenuba waxa an ku noolnahay xaafado isku dhow. Gurigayagu waxa uu u dhowyahay geerashka Aw Cali. Adiguna igama dheeride, waxa ad degentahay dawladda hoose ee Hargeisa agteeda. Labadeena xaafadoodba biyo la cabo inooguma jiraan ee waxa inoo dhaamiya biyoole, marmarna booyad ayaa inoo shubta. Maalinta roobku da’ana foostooyinka iyo jeerikaanada xaafadda yaala ayaa majaroorka an ka dhaansanaa labadeena xaafadoodba. Leydhkana meel ayaa la inooga soo wada shidaa oo bishii anigu waxa an bixiyaa 50 doolar adina 55 doolar.
.Caruurtaada iyo caruurteyda yaryari waxa ay wada dhigtaan iskuulka Sheekh Cali Cismaan, kuweena waaweynina waxa ay wada dhigtaan dugsiga sare ee Gacan Libaax. Xaafadeydu waxa ay macmiil la tahay oo ay biilka ka qaadataa dukaan yar oo xero jaadka u dhow, taaduna dukaan aan sidaa uga dheereyn oo caanaha riyaha u dhow ayay biilka ka qaataan. Adigu waxa ad u shaqeysaa dawladda oo ad mushahar ka qaadato. Anna dhulka iyo guryaha la kala iibsanayo ayaan dilaalaa oo an nolol maalmeedka ka soo saaraa.
.

Waxa guriga ii jooga wiil jaamacadda kal hore dhameystey oo aan shaqo heynin oo werwer igu haya. Halka adigana ay Wiil iyo gabadh ay ku jiraan sanadkii u danbeeyey ee jaamacadda oo ad ka sii fikireyso waxa ay noloshu ku waajihi doonto kal danbe marka ay jaamacadda soo dhameystaan. Labadeena xaafadoodba isku duruuf ayeynu nahay. Waxa hubaal ah inaan isku si u fikirno. Isku werwer ayaa inaga haya caruurteena waaweynaatey ee an dooneyno iney shaqo helaan. Biyo la’aantu waa wax inawada saameeyey. Duruufta ina heysa iyo daalka inaga muuqda waxa la ina moodaa in da’deena 10 sanadood inagu biirtey. Arimo yaryar mooyee, labadeena reerba isku dooni ayay saaranyihiin. Jaarkeenuna, reer reer yara ladan mooyee, waa inala mid.
.

Labadeenaa qof ee duruufta noocaas ihi ay wada hadheysey, hadana aad ayeynu u kala fognahay. Aniga waxa an la soo taaganahay “Dalka Nicmaa Fadhida”. Halkaasey cajaladdu igaga go’dey. Hadalkaana waxa uugu muhiimsan ee an u adeegsadaa uun inan adiga kaaga xanaajiyo ama kugu gugujiyo. Nimco meel fadhida oon kaaga war roonahay ma jirto. Taageeradaas faanka mooyee, kuma qabo wax nacfi ah oo ii gaar ah ama nolol ah.
.

Adiga oo aniga in yar idhaamaana, waxa ay kaa qabsatey dalku jarbuu ka sii dhacayaa, umaduna badbaado ayay u baahantahay. Adiga laftaada kaama aha horumar iyo nolol korodhsi, umad ad badbaadineysaana ma jirto, balse mid ad caashaqsantahay ayaa xisbiyada mucaaridka ka tirsan oo ad rabtaa inu hogaanka qabto. Wax dan ah kama talineysid. Xaraaraddu waxa ay kuu heysaa inu in xisbigaa ad taageersantahay iyo musharaxiisu ka muuqdo dawladda.
.

Midkeena uuma doodayo caruurteena jaamacadaha dhameysey ama iminka dhameyneysa ee doonaya in shaqo sharaf leh ay helaan. Midkeena kama gilgisho 24 sanadood ee an biyo la’aanta ku joogno caasimadda. Anigu dawladda kuma dhaliilo haraadkaa ay nagu dishey. Adiguna marna inaaderkaa ma weydiisid hadddii xisbigiisu doorashada helo sida uu biyo inooga haqab tirayo. Reer miyiga dawladnimada niyeystey ee aan weli waxba ka arag midkeena uuma doodayo. Jaadkan labadeenaba ilkaha ka daadiyey midkeena kama dacwoonayo. Marka an labadeenu hadleyno waxa la ina moodaa laba qof oo ku kala nool laba dal oo aan shuqul isku laheyn. Aniga waxa ay iga heystaa “Maasha Allah” macnihiiba ka tegey sidaan uugu celcelinayey. Adigana waxa an kuu arkaa qof belaayo ku duceysanaya oo nimcada arki la’.
.

Kala fogaanshaha intaa leeg waxa inoogu wacan adiga oo taageera xisbi mucaarid ah oo aan anan anigu taageerin, halka an anna an taageero Xisbiga muxaafidka ah oo ad adigu sas ka qabto. Midkeena labada xisbi mushahar kama qaato, balse labadeenuba weynu xiiqsanahay. Haddii an daacad isu wareysano oo aynu xamaasadda dhinac iskaga leexino, labadeenu isku xisbi ayeynu nahay. Labadeenaba waxa ina heysata duruuf isku mida. Hal cadow ayeynu wada leenahay. Magaalada aynu wadaagno waxa inuu dheer, isku xaafad ayeynu deggenahay, caruurteenu isku iskuulo ayey tagaan, isku booyad ayaa inuu dhaamisa, hadhuudhka xaafadeheenu isku makiinad ayey ka soo ridqadaan, isku sariibad ayaa wax la inooga soo wada iibiya, caruurteena isku farmasii ayaa laga wada mudaa, isku idaacad ayeynu dhageysanaa. Sidey haddaa u dhici kartaa inaan ilaa xadkaa u kala siyaasad duwanaano.
.

Jawaabto waa inaga oo aan wax isweydiin. Xisbigeyga ayaan tuurta ku sitaa. Adna ila mid baad tahay oo xisbigaaga ayaad caashaqsantahay.  Labadan xisbi ee an caashaqsanahay midkoodna dan an leenahay inooma soo wadaan waayo kamabeynu codsan oo taageero bilaa shuruud ah ayaynu u heynaa. Waxa inoo dheer, kooxo inagu xeeran ayaa habeen iyo maalin waxaa wax la mida inagu dhura oo an maxaabiis u nahay oo aynaan dhana uuga leexan karin. Adiga uun baan kula murmayaa oon is leeyahay muranka ka badi mooye, anigaba xaalkeyga Ilaahey ayaa og. Markan iminka kaa tago een guriga ku sii socdo ayuu werwerku halkii iiga bilaabmaya. Hawlo badan oo gurigii igaga furan ayaan ka sii fikirayaa. Inankeygii oo shaqo la’ oo habeenkii goor danbe soo hoyda oon isleeyahay goormaa la soo sheegi oo lagu odhan uu tahriiboo Liibiya ayaa lagu heystaa. Leydhkii oo laba bilood isku key haadhey oo kii yara ee lacagta qaadayey maalin kasta guriga nagu soo garaaco oo an iska qariyo.
.

Haddey sida tahay oo an labadeenaba meel inagaga dhegtay, suuro gal ma tahay in adiga oo xisbigaaga ah, ana an xisbigeyga ahay inaan DANWADAAG noqono oo an ka wada shaqeyno in danaha waaweyn ee ina khuseeya an isku meel uuga soo wada jeedno. Suuro gal matahay inad xisbigaaga weydiiso waxa uu ka damacsanyahay ee barnaamij u ah marka ay timaado arimahaa an soo sheegey iyo kuwa kale ee la midka ah ee u baahan in wax laga qabto, aniguna an xisbigeyga kula noqdo oo an idhaa 24 sanadood ayaan haraad ku nooleyn aniga iyo caruurteydu ee ma waxa ad dooneysaan in kuwa an awowga u aheyna haraadkaa ku noolaadaan. Ugu danbeynta xisbigii doonaa ha guuleysto, balse waxa adiga kuu kordhaa anigana uu ii kordhayaa. Haddii xisbigiinu helo doorashada oo ad naga guuleysataan balse xisbigiinu ka hawl galo masalan inu shaqo abuuro, faa’iidada waan kula qabaa oo reerkaaga iyo keygaba waxbaa u wada kordhi. Haddii xisbigeygu guuleysto oo uu magaalada biyo ku filan geliyo, waxa hubaal ah in labadeena guriba biyo nadiif ah ay heli doonaan. Waa haddii an DANWADAAG noqono oo an xisbiyada an taageersanahay an ku qasabno iney arimahaa wax ka qabtaan.
.

Marka an DANWADAAG run ah noqono, kolba keenii xisbigiisa laga guuleystaa laga yaabee in kaftanka laga helo, balse nacfiga weynu wada heleynaa, waayo isku duruuf ayeynu nahay, isku xaafadna weynu wada degenahay. Anigu wax kaleba ma rabo. Waxan rabaa oo keliya intaa ad adigu rabto uun. Kuma lihi xisbigaaga ka soo bax oo keyga ku soo biir. Waxa muhiim ah inaad xisbigaaga la xisaabtanto ood weydiiso barnaamijkiisa. Ana ha i odhan keyga ka soo bax. Balse, waa muhiim inaad xisbigaaga la xisaabtanto oonad indho la’aan kula socon oonad codkaaga bilaash ku siin. Dunida ma jiro wax bilaash la isku siiyaa. Waa muhiim inad weydiiso barnaamijkiisa. Anna waa igu qassab inan sidaa yeelo.

.

Haddii ad mucaaridka taageersantahay waa kugu waajib inad su’aalo badan weydiiso xisbigaaga. Mucaaridku waxba yey shicibkeena la barooran oo yey u tilmaamin dhaliisha iyo liidashada dawladda. Taasi iyada oo aan la inoo tilmaamin ayaynu ognahay. Balse, mucaaridku ha inoo sheegaan waxa ay xal hayaan ee ay ku furdaaminayaan arimahaa ay dawladda jirtaa u maaro laadahay. Sidey shaqo dhalinyarada uugu abuuri karaan. Maaha oo keliya ballan afka ah balse hasoo dhigeen istaraatejiyada ay qorsheynayaan iney adeegsanayaan. Sidey ku keenayaan aqoonsigan 24 sanadood aan la garaneynba meel uu yaalo. Sidee ayay xal uugu helayaan dadka harraadan ee miyi iyo magaalo jooga ee taagtoodii ku soo ururtey roob doonta, balse aan wax qabad muuqan. UCID iyo WADAN weydii su’aalahan. Waxa ad ka dooneysaa maaha jawaab ee waa qorshe cado o tafaaiil leh oo muddeysan oo lagu qanci karo. Anna yaanan Maasha Allah micnihii ka tegey la soo taagnaan ee ku qasbo xisbigeyga inu soo bandhigu xalka uu u hayo dhibaatooyinkaa an soo sheegey iyo kuwa kale ew ummadda heysta. Haddeynu labadeenuba sidaa yeelno, weynaan is ogeyne isku xisbi ayeynu nahay. XISBIGA Danta ayeynu ka wada tirsanahay. Wixii midkeen u kordha ka kalena toos ayuu uugu kordhayaa.
Maqaalkan waxa an qorey 2 sanadood ka hor. Maanta ayey xaqiiqdiisu taagantahay.
Maxamed Cali Bile
Aqoonta U Adeegta Nolosha

Advertisement

Ku Xayeysiiso