Hambalyo Madaxwayne JSL Muddane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo Garyaqaan Hussein Mohamed Jama

 

Hambalyo Madaxwayne JSL Muddane Axmed Maxamed Maxamuud Siilanyo  Garyaqaan Hussein Mohamed Jama

 

 

Ujeedo Hambalyo Madaxwayne JSL Muddane Axmed Maxamed Maxamuud

Siilanyo

 

 

Hambalyo xafiiska Horn legal consulting and services waxaanu hambalyo u diraynaa madaxwaynaha jsl muddane Axmed M M Siilaanyo  go,aankii uu ku hoose geeyay Miisaaniyadii maxkamadda hoose ku hoos geeyay Maxkamdda sare  iyo inuu Magacii wasaaradda cadaaladda ka saaray khaladkii dastuuriga ahaa eek u jiray uu saxo.

 

Waa go,aan taariikhi ah oo lagu xasuusan doono Madaxwaynaha Jsl  wax kale oo aan hamblyo u dirayaa Wasiirka wasaaradda Cadaaladda ee jsl Mudane Axmed Xuseen Cadare sida geesinimada leh ee uu uga qayb qaatay in miisaaniyadda maxkamadda hoose wasaaradiisa laga wareejiyo.

 

Go,aankaa madaxwaynuhu wuxuu xaqiijiyay in lagu dhaqmo dastuurka jsl Qodobka 37aad, Faqraddiisa 2aad iyo Qodobka 97aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland.

Iyo In laga bilaabo Sannad Miisaaniyadeedka 2017-ka, waxaa Wasaaradda Cadaaladda laga soo wareejiyey Maamulka iyo Miisanayada Maxkamadaha Hoose ee Dalka.

In magaca Wasaraaduna uu noqdo “Wasaarada Cadaaladda JSL”, sida uu dhigayo Qodobka 106aad ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland.

 

QODOBKA 108 AAD  ee Dastuurka jsl
HAWSHA GUDDIDA CADAALADDA
Guddida Cadaaladdu waxay u xil-saaran tahay: shaqo-siinta, xil-ka-qaadista, dallacaadda, hoos-u-dhigidda, bedelaadda iyo anshax-marinta garsoorayaasha maxkamadaha hoose (maxkamadaha racfaanka, gobollada iyo degmooyinka} iyo Ku-xigeenada Xeer-ilaaliyaha Guud. Shaqaalaha kale ee ka shaqeeya Garsoorka waxay hoos imanayaan xeerarka shaqaalaha Dawladda.

 

markaas shaqaalaha aan garsooryaasha ahayni waa shaqaale dawladeed waxay hoos tagayaan Hayada Shaqaalaha Dawlada

 

Hadba waxay taariikhada u galaysaa prof aadan x Cali Hambalyo Gudoomiye

Balse wax is waydiintu tahay Maxkamadu ma u diyaar garoobeen maamulka Mase dhiseen Qaabkii maamul ee ka bilaabmay Agàasime Guud oo maamulka iyo Lacagta ah oo Gudida cadaaladdu ansixiso iyo shaqaalihii waaxyaha maxkamdda sare iyo xeerkoodii???

 

  1. Garsoorayaashuna waxay u baahan yihiin xeer u gaar ah oo xuquuqdooda iyo hawlgabkoodba lagu qeexo Markaasi waa in loo sameeyaa insha allaah iyo
  2. Gudi madax-banaan oo kormeerka maxkamdda hoose iyo saraba samaysa halka imika ay ka yihiin Garsoorayaasha Maxkamdda sare iyagoo hadana ka mid ah Gudida Cadaalada taasina ay khald tahay wax kale oo sharci daro ah inay Garsoorayaal madaxwayne Magacaabay ay Mushahar ku qaataan kormeer iyo maxkamddaaha wareega iyagoo musharkii qaranku u qoondeeyay qaata waa Laba Mushahar taasina waa qayrul dastuuri, (confilict of interest) waa in la saxaa

 

Madaxwayne taariikhada ayaa ku xusi doonta maadaamoo aad ku dhiiratay In lagu wareejiyo Maxkamadda Sare ee JSL Maamulka iyo Miisaaniyadda Maxkamadaha Hoose ee Dalka, si loo kala madax bannaaneeyo Waaxaha Qaranka,

 

 Garyaqaan Hussein Mohamed Jama

Gudoomiyaha Xafiiska talao bixixnta iyo adeega sharici ee Horn

 

 

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso