Aniga oo ah Cali Ibraahim Moxamed (Cali-Sanyare) waxaan halkan tacsi uga dirayaa Ubadkii, Qoyskii,Eheladii, Qaraabadii, dhamaan bahweynta aqoonta iyo qalinleyda geeridii naxdinta lahayd ee ku timi PROFESSOR XUSEEN MOXAMUUD AADAN (XUSEEN TANZANIA)

Aniga oo ah Cali Ibraahim Moxamed (Cali-Sanyare) waxaan halkan tacsi uga dirayaa Ubadkii, Qoyskii,Eheladii, Qaraabadii, dhamaan bahweynta aqoonta iyo qalinleyda iyo dhamaan bulshada Somaliland geeridii naxdinta lahayd ee ku timi PROFESSOR XUSEEN MOXAMUUD AADAN (XUSEEN TANZANIA) oo dhawaan ku geeriyooday magaalada Boston ee dalka Mareykanka.

Wuxuu Xuseen ahaa shaqsiyad nadir ah oo magac-weyn iyo haybad sare oo aqooneed ku tilmaamna oo laga yaqaanay dhamaan xarumaha sar-sare ee waxbarashada iyo cilmi-baadhista.
Wuxuu u soo hooyey, guud ahaan,bulshada Somaaliyeed magac-wanaagsan,gaar ahaanna,
dalkiisa iyo bulshada Somaliland sumcad balaadhan.

Waxaan EEBE uga barya inuu Janadii Fardowsa ka waraabiyo marxuunka.

CALI IBRAAHIM MOXAMED (CALI-SANYARE)
Maryland, USA.

Advertisement

Ku Xayeysiiso