Wejiga dhabta ah ee saldhiga berbera

Asalaamu calaykum dhamaan reer Somaliland, Waxaan jeclaan lahaa inaan halkan ka iftiimiyo wejiga dhabta ah ee saldhigan milatari ee

Imaraatku doonayaan, Bal aanu u jaleecda cududa milatari ee uu leeyahay Imaratku waa eber oo ciidamo uu dibada u diri karo ma laha,

Maraykanka ayaa gacanta ku haya sida californiya, Waxaa Imaratka ugu dambeysay ciidamo rasmiya uu yeesho 1989 dagaalkii ciraaq iyo

Kuweyt, Wakhtigaa wixii ka dambeeyey waxaa si rasmi ah ula wareegay amaankooda maraykanka, Ciidamadoodii wixii ajaanib ahaana

wey ruqseeyeen.

Sidaa awadeed waa ayo ciidanka Imaratka uu sheeganayo ee uu keenayo berbera? Shaki la’aan waa maraykanka oo doonaya

in uu kharash jaban ku kireysto saldhigan mihiimka u ah ee uu waagii siyaad bareuu  ku kireysan jiray 4,000,000 $ bilwalba,

isagoo ku hoos gabanaya  calalka tusmada u ah imaratka.

Su’aasha labaad maxay ithoipia u diidaysa inay imaratka kireystan? sidaad la socotaan diyaaradahan bilaa duuliyaha ah ee habeen walba

aanu ka seexan la’nahay waxay saldhig ku leeyihiin ithoipia, Waxay fahamsan yihiin shaxdan oo lacagtii kirada ayey seegayaan.

Ugu dambeyn, Siilaanyo waa ilduufkii labaad ama dantiisa gaar ah ha ka hormariyo dalkan uu u dhaartay ama si kale haka noqotee, Waa inuu

ku kalsoonaada dalkiisa oo uu kula gorgortamaa dalalka shisheeye, Tusaale ahaan ugu yaraan 2milyan $ ayaa maalin walba ithoipia ka helaan

cawskan nalagu falay , Maxaa u diiday Siilaanyo sidii madaxweynaha dalka aanu jaarka nahay gartay uu kula gorgortamay kenya,Siilaanyo inuu ictiraaf

iyo ganacsi furanba ku raadiyo 2 milyan ee aan asxaanka naloogu hayn, TAn saldhigan berberana waa taa aan sare ku soo sheegay oo kale

waa inuu maraykanka toos ula hadlaa oo uu ictiraaf buuxa iyo kiro u qalma berbera ka qaadaa, Dadkayagii abaaro ayaa aafeeyey

aduunkuna wuu nagu daawanayaa sidaa aawadeed waa inaynu wuxuu Allah na siiyey aduunka ka iibinaa inaga oo aan daciif iska dhigay.

WabilLahi tawfiiq

Sharma’arke MAxamed Cumar Qoti

sheeq@hotmail.com

Advertisement

Ku Xayeysiiso