Xaqiiqada saameynta uu Saldhig Milatary oo dawlad shisheeye ku yeelan karo Somaliland (Fact Sheet: The Impact of foreign Military Base in Somaliland).

Xaqiiqada saameynta uu Saldhig Milatary oo dawlad shisheeye ku yeelan karo Somaliland (Fact Sheet: The Impact of foreign Military Base in Somaliland).
Saldhig ciidan oo dawlad shisheeye wadanka Somaliland laga siiya waxa fudud maaha waana arrin u baahan in aad looga fiirsado loona baahan yahay in la eego fursadaha fa’iido ku jiri kara iyo dhibaatada iyo khasaaraha wadanka u keeni karto. Saldhigyo military oo dawlada shisheeye aduunyada waxa ka jira in ka badan 120 wadan iyo deegano oo intiisa badan u maamulo dawlada Mareykanka, NATO iyo xulafadiisa.
Saldhiga military waxa lagu qabtaa waxyaabahan badan oo hoos ku qoran:
1.      Saldhig ciidamadu ka duuli ama dagaal ka qaadi karaan ( launching platforms for military maneuvers).
2.      Saldhig lagu keydiyo Hubka (weaponry storage facilities).
3.      Saldhig lagu tijaabiyo hubka cusub sida loo isticmaalayo (test-ranges for new weaponry)
4.      Xarun laga fuliyo hawlaha basaasida (intelligence operations).
5.      Saldhiga military waxa lagu talagalay meel lagu diyaariya ciidamada lagana abaabulo hawlgalka dagaalka.
 
Dhibaatada saldhiga Milatariga shisheeye u keena wadanka marti galiyey:
Saldhiga Milatary wuxuu dhibaato soo gaadhsiiya degaanka dhulka, ilaha biyaha la cabo, isgaadhsiinta, caafimaadka bulshada iyo dhaqanka iyo kaluunka bada.
Joogitaanka ciidamada shisheeyaha ee saldhiga  waxa la soo cadeeyey iney keenan kor u kaca xad gububka dambiyada sida kufsiga iyo fasaqa oo kordha, wasakhada hawada u kacada iyo caafimaad daro ay keenan sunta hubka ay ku tijaabinayaa deeganka iyo diyaaradaha jooga hoose ku duuliya iyo markiibta badan
Inta badan dawlada marti geliya waxay saxiixaan heshiis ogolaanaya in sharciga wadanku aanu qaban askarta shisheeya ee saldhiga ku sugan dambiga ay galaan aanu qaban. Waxa kaloo saldhigu ku soo jiidi kara colaada caalami ah iyo mid gobolba.
Fursadaha am Fa’iidada ku jira karta
Dawlada Somaliland aaya ka masuul wadanka sugida xuduudisa ilaalinatiisa, waxa haboon arrinta Saldhiga Berbera in aad looga fiirsado oo la eego maxaa dan ugu jira wadanka loona saari dad aqoon gaara u leh oo soo dersa (benefit from the bases and what can be done to negotiate with these parties).
1.      Shuruuda kowaad iney noqoto in lagu xidho aqoonsi, wadan aan ku aqoonsaneyn saldhig military ma siin kartid (Aqoonsi la helo).
2.      Dhaqaale xoogan oo qaranka iyo deegankaba ka soo gala.
3.      Damaanad qaad nabad gelyada Somaliland iney ka difaacan wixi dibeda Somaliland kaga soo duula (Agreement on Somaliland Security Guarantee).
4.      Shuruudaha lagu ogolaanaya waa in la soo badhiga, labada golana lagaga dooda.
 
 
Kosar Aideed Abdi
MSc Public health
Manchester UK
 
 

Advertisement

Ku Xayeysiiso