Taxaabistii iyo Tacaddigii Aan Arkay: Fadhigii Difaaca Eedaha La Ii soo Jeediyay.
Qaybta 11aad.
Isla maalintaas waxa warbaahinta ka hadlay Maxamed Siddiiq Dhamme Guddoomiyaha Dhallinyarada Waddani iyo Cabdirashiid Jeeni oo ah Ku-xigeenka Xoghayaha Warfaafinta ee WADDANI. Kuwaas oo dhaleeceeyay tallaabada xeerka dalka baarsan ee la igula kufay.
Dhammaantood waxa ay dureen hannaanka sharciga ka leexsan ee la ii taxaabay, eedaha la ii jeedinayo ee jaban iyo dhallaanka ku tababartay xadhiggayga ee ay madaxda dhuumanaysaa dhabarka taabteen. Si waafi ah ayay kaalintayda nololeed u bayaamiyeen, waxaanay ku baaqeeen in tallaabo xukuumaddu ka qaaddo kuwa tacaddigayga loo tirinayo. Maalintaas waxa la iga saaray kadinka dambe ee Maxkamadda Degmada Hargeysa, iyada oo laga cabsaday in shacabku gadoodo, haddii aan ka baxo albaabka Maxkmadda Gobolka.
Markii xaajadu sii murugtay ayaa ay mar kale is-xilqaameen ergo ehel ah oo rabay in arrinka ka odayeeyaan. Dhankayaga waxa aanu siinnay kalsooni “ma noqonaynno ergo-diid. Haddii ay garashadu idin siisay in aad guurti noqotaan, waanu idinku kalsoonnay ee hawsha gala. Waa inaydaan cidna waxba u qarin. Wixii na qabtana, waanu qaadananaynnaa” ayaanu nidhi. Waxa la qabanqaabiyay sidii dhanka kalena war sugan looga heli lahaa.
Subaxnimo Axad ah 02dii Oktoobar, 2016ka ayaa ay duqaytidaasi Maamulaha Madaarka Hargeysa iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista kula kulmeen Scandinavian Hotel ee magaalada Hargeysa. “Wasaarad ahaan, waanu ka midaysannahay dacwadda Siciid Maxamuud Gahayr. Arrinkuna wuu dhaafay intii aan wax-ka-qaban karaynnay. Imaka wasiirro ayaa demin kara. Markaa maxkamadda ayuu kiisku ka soconayaa. Haddii isaga la sii daayo, qaar kale ayaa haamaha soo biyeysanaya. Si ay dadka kale ugu waano-qaataan ayaanu u gawracaynnaa” ayaa ay yidhaahdeen labadaas wiil. Weliba waxa markaas cod-baahiyaha haystay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Duulista.
Waxa laga cabsaday cududda iyo mugga codka i taageeraya, kaas oo looga shakiyay in uu galaafan karo kuraasida ay baryada iyo calaacalka ku heleen. Waa dhallaan ku soo koray nolol dul-saar ah iyo duddo qoys oo hadda uun hadhimo, hoy iyo hu’ fiican arkay, qaar kalena waa dar hiirtaanyo lagu barbaariyay oo ay nololiba maanta ugu horreyso. Waa halkii Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble’e, waxa aan ka baqanayaa inay garan waayaan Ilaahay, Nebiga iyo Diintaba oo ay ku hadaaqaan “Wax kastaaba waa Maxamuud Xaashi Cabdi”. Ma maqasheen wiil yidhi “Hooyaday cay, laakiin Kiristiyaano hooyadii ha caayin”. Sida ay u qarracmayaan marka Maxamuud Xaashi la duro, uma muraara-dillaacaan haddii iyaga wax laga sheego.
Qaar ka mid ah daba-dhilifka ayaa odhan jiray “Siciid waa la xukumayaa. Markaa annaga ayaa lacagta lagu soo deynayo bixin doonna ama waxa aanu cafis uga qoraynnaa Madaxweyne Siilaanyo”. Ma iyaga ayaa go’aanka gacanta ku haya? Maxkamadda ma waxa ay moodayaan guri ay leeyihiin? Ma shilinno aan ku iibsado xukunka ayaan ka rabay? Maangaabnimada dadka qaarkood waa aad la yaabaysaa.
Dhallaanka raad-baradka ah ee sida agabka loo adeegsan jiray waa ay ka dhuuman jireen waxgaradka uu hormoodka u yahay Xaaji Cabdikariin Xuseen Yuusuf (Cabdi-Waraabe) oo tobannaan jeer isku deyay in uu wada-hadal ka galo xadhiggayga. Boqollaal qof oo ula xidhiidhay in ay waanwaan xaajada ku soo dabbaalaan waxa ay ku qaabilleen: dafiraad, dhaar habaw ah, dhuumasho, xigtaysi, beensheeg iyo xilkasnimo-la’aan.
Askarta C.I.D kuwo ka mid ayaan markii maxkamaddu socotay ka heli jiray weedho niyadsami iyo naruuro i geliya, waxaana ka mid ahaa kuwan “Waanu ognahay in aad halkan ku haysato taleefankii XXXXXXXX oo aad warbaahinta la hadasho. Way dhammaanaysaaye dhin dagaalka. Siciid mooyaane nin xadhigga ka macaashay ma jiro. Meel walba waxa laga leeyahay ‘waa qoraagii, waa macallinkii, waa abwaankii. Bahda garsoorku dood adag ayay nala galeen, dirqi ayaannu kaga baxsannay in ay ku sii daayaan. Hawshaadi way dhowdahay meel fiican ayay maraysaa.
Haybaddu waa wax Ilaahay bixiyo, subaxa lagu qaadayo, waxa aad mooddaa in Wasiir maxkamadda la geynayo. Xadhigga waad ku dallacaysaa. Dadku way kala mudan yihiin. Xirsiba wuxuu ahaa Wasiir da’yar, waa kaas WADDANI kobcay markii uu ku biiray. Madaxnimada Eebbe ayaa bixiya. Waxa aanu kaalintaada ka garannay sida ay dadku fadhiyadaada u buux-dhaafiyaan iyo miisaanka dadka kuu doodaya”
Marka laguu sheego in aad berri garsoorka tegayso ayuu dareenku ugu badan yahay, waanay adag tahay inaad seexataa. “Maxaa la odhan? Miyaa lagu sii-deyn? Miyaa lagu dhaadhicin?” iyo waxyaabo kale ayaa garaadkaaga ka guuxaya. Habeen ka mid ah kuwii aroornimadooda maxkamadda la ii qaadayay ayaa aan Eebbe beryay. Sidii uu Alle ha u naxariistee Abwaan Cadi Iidaan Faarax “Hanqadh” u curiyay gabaygii Alle-bariga ahaa, markii xabsiga loo taxaabay ayaan baabbacada u hoos dhigtay Raxmaanka. Xadhiggayga waxa aan u arkayay imtixaan ii qornaa intii aan la i abuurin, waxa aan ku niyad-samaa in aan mar uun xorriyaddayda dib u heli doono.
Gabaygu waxa uu yidhi:
Rabbiyow Xaliimow adaan, xaashi kuu qoraye
Anigoo an xaw goynnin oon, xoolo dagan boobin
Oo aan xajiin iyo ku kicin, xaal qudh iyo qoona
Xaq-darriyo Quwiilow dulmay, igu xareeyeene
Xasillooni maan duminnin oo, xiisad maan curine
Xaraf beena maan qorin Allow, Xaasha! goornaba’e
Xatooyada waxaan diiddanaa, xoonku doorbidaye
“Xannaaneeya” baan idhi dadkuu, xaaqay Naasiguye
Wax xukuumaddii lagu salliday, xaaluf iyo boobe
Xil waxay u dhiibaan ninkii, been la xaadira’e
Xarxarriiq wuxuu gaal qoraa, lagu xadreeyaaye
Xukunkii Islaamkiyo ma jiro, xarafki diineede
Xarumii garsoorkuna dhammaan, xeerka baal-mare’e
Xaaskiisu ruuxuu wanjalo, way xukumayane
Xiska wiilal laga qaaday bay, xadhig u jiideene
Xooliyo ninkii maal leh bay, wada xigtaystaane
Anna xaajo igu gooniyaa, lay xannibayaaye
Marka xaab la waayee abaar, xaaluf lagu riiqmo
Adigaa Xakiimow khalqiga, xays u soo shuba’e
Adaa Xaawa naga beeray iyo, Xaaji Aadana’e
Kumannaan gu’ kii xay ah iyo, xoolka ubad jiifa
Adigaa xabaalaha u dira, xaw-go’ dabadeede
Marka xaalku adagyee nafluhu, xiiqa la cataabo
Adigaan xaqiiq kaa filnaa, xaalad guul badane
Adigaan xad-gudub noo bannanayn, layksu xoog-dhaco’e
Adigaa xumaan oo dhan yidhi, “xoora oo naca’e”
Xabiibkii Rasuulkiyo ciddii, yeesha xarafkiisa
Xareedaha jannaad iyo nimcada, waad xasilisaaye
Xishood-laawihii baaddil jecel, kii xadhkaha gooya
Xeradiisa adigaa ka dhigi, xaabo iyo qiiqe
Xildhibaanku waa kii qabriga, aan xusuus-lumine
Xuska khayrka ruuxii badsaday, wuu xasilayaaye
Xakamaha shar kii qabatimay, xagashu daacdaaye
Xabbadkii Iblays uu hagaa, xoora faralkiiye
Xushmad iyo tixgelin baa nin goba, lagu xurmeeyaaye
Xariirtiyo dadkii suubbanaa, waa la xagayaaye
Xiddiggiyo halyeygana wakhtigan, waa la ximiyaaye
Xamar qaajahay daba eryaan, xawli aan soconne
Marka aad xawaaraha jartee, gaabis kugu xiiqo
Xiqdi niman ku gaadhayaynnin baa, xiinka doorbida’e
Xumaan-ruuggu Nebi Yuusuf bay, xeelad geliyeene
Inkastooy xaqii awdayeen, duudsi xoog ma-lehe
Xarragiyo hufnaan buu ku baxay, xaal kastuu maraye
Xilli ay ahaataba wakhtigu, ways xawilayaaye
In xasaanaddaydii an helo, Xaakin waan rabaye
Xangullaawayaal baa ballamay, xaasidiin darane
Xaaraan caddaanaa dartay, loo xalaashadaye
Iyadoon xuquuqdii la deyin, xeerka dhaqankeenna
Xarshashooshka kii laaqayee, xadhigga ii geystay
Xukun boolliyuu maagganyoo, lagu xaquuqaaye
Adigaan Xaqsoorow gacmaha, xaajo kuu wacaye
Dhibta aan la xuurtoomay iyo, xaalka igu meersan
Guullow xaggaagaa si fudud, loo xallinayaaye
Xor inaan noqdaa baan beryahan, xiisaheed qabaye
Iga saar xabsiga Weynahow, Xaakim baad tahaye
Markii uu fadhigu soo xidhmay, waxa la ballamay in mar kale la i keeno maalinta Arbacada 05tii Oktoobar 2016ka, iyada oo la qorsheeyay in fursad la ii siiyo iska difaacidda eedaha la ii xambaariyay. Qareennadaydu waxa ay soo jeediyeen in dhegaysiga dacwadda halkaas lagu joojiyo isla markaana xorriyaddayda la ii soo celiyo.
Qodobbada ay cuskadeen waxa ka mid ahaa:
•In aan xadhiggayga loo marin sifo sharci ah, isla markaana xeerka ciqaabtu dhigayo in qof kasta oo sharci-darro lagu haysto in la sii daayo marka garsoore la hor keeno
•In la duudsiyay xuquuqda aan u leeyahay in aan dareenkayga cabbiri karo
•In sifo xaaraan ah lagu jebiyay barahaygii bulshada sida Facebook, iyada oo aan fasax laga helin maxkamadda
•In eed la iiga dhigay gabayo waddani ah oo qiimaha calanka iftiiminaya, kuwaas oo lagu lifaaqay xaashida eeddayda
Xafiiska xeer-ilaalintuna waxa uu ku adkaystay in dacwadda la sii wado, isaga oo cuskaday qiil madhan. Ugu dambayntii Garsoore Khaalid Cabdi Shiil ayaa sheegay in maxkamaddu qaraar ka soo gaadhi doonto codsiga qareennada iyo tabashada xeer-ilaalinta. Fasax kooban kaddib, waxa ay maxkamaddu go’aamisay in dhegaysiga dacwaddu sii socdo isla markaana waxa la amabaqaaday difaacayga.
Kolkii aan hadlay waxa aan iska difaacay eedihii la ii jeediyay, sidoo kale waxa madasha lagu daawaday hadallo burinaya malmalluuqa la ii soo booshaaqay. Garsoorku waxa ay indhahooda ku arkeen dhibka bulshada ka qabsaday xayn-daabka madaarka iyo Wasiirka Madaxtooyada oo leh “Dhul qiimihiisu yahay saddex boqol oo milyan oo doollar ayaanu kula wareegnay xeelad dawladeed”.
Gebagabadii fadhigana waxa uu Garsoore Khaalid Cabdi Shiil qabtay fadhiga gebagabada, isaga oo xeer-ilaalinta iyo qareennadaba faray in ay soo gudbiyaan gunaanadka eedaha iyo difaaca dacwaddayda. In kasta oo ballanku ahaa in dacwadda la soo gunaanado 11kii Oktoobar 2016ka maalin Salaasa ah, fadhigaasi shanaad ee gunaanadku ma qabsoomin. Taasna waxa sabab u ahaa in aan la soo gudbinnin qoraalladii ugu dambeeyay ee dacwadda. Sidaas awgeed ayaa mar kale af-jaridda dacwadda loogu ballamay shan cisho kaddib oo noqonaysa 15kii Oktoobar 2015ka.
La soco qaybta dambe haddii Alle idmo.
Siciid Maxamuud Gahayr