Warqad-Furan. Somaliland Hu’ga waxbarasho ee Hablaha Ardaydu xidhaan midabkiisa laga ma fiirsan!

Qalinkii Cabdinaasir Axmed Abraham.
 
Ku: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, mudane Axmed Maxamed Maxamuud “Siilaanyo”
 
Og: Wasiirka Waxbarashada Somaliland, mudane Cabdilaahi Ibraahim Habbane.
 
Barqo-kulul san, mudana Madaxweyne,waa amminta aan dhambaalkan qoraye, wanaagsan goor kasta oo uu qoraalku ku soo gaadho. Mudane madaxweyne waxa aan u kuur-galay in hablaha dugsiyada Somaliland wax ka barta ay dhib weyni ka haysato hu’ga madow ee labbiska waxbarashada u ah oo qorraxda soo jiita!
 
Goorta la dejinayo hu’tacliineed si joogto ah loo lsticmaalayo, isla markaa, arday faro-weyn taabanaya noloshooda, wuxu mudan yahay, in loo saaro guddi ay gadhwadeen u yihiin, xeel-dheerayaasha cilmiga deegaanka; si ay u sii odorasi karaan, is-beddellada ay suuro-galka tahay in dhawaan deegaan ahaan ay u yimaaddaan. Sidoo kale, Iyana waxa lama huraan ah in lagu jaan-gooyo barta dalku adduunka ka dhaco.
 
Dalkeennu waa Jasiirad-u-yaal inta badan dhirtu ku yar tahay, wuxu u dhow yahay dariiqa dhul badhaha adduunka, waa dhul inta badan oomane ah, kulkiisuna sarreeyo. Qorraxdu qummaati ayay ugu soo dhacdaa, magaalooyinkana waxa ku badan baabuurta iyo dadka, intaas oo arrimood oo is biirsaday ba caqabad bay ku yihiin, xidhashada hu’tacliineedka madaw ee gabadhaha dugsiyada Somaliland wax ku bartaa xidhaan. Waa na tan sababta aan u leeyahay markii la doorayay midabka madow aad looga ma baaraan-degin; Midab ahaan baa loo qaatay, ee cilmi ahaan looma qaadan oo dhinacyo badan laga ma eegin.
 
Mudane madaxweyne waxa aan si naxariisi ku jirto kaaga codsanayaa in aad arrintaa hoos u eegto oo aad dareento kulka ay dareemayaan hablaha yaryar ee qorraxda kulul hoos jooga ee haddana dharka madow xidhan; intaa na ay u dheer tahay in badan koodu aanay wax gaadiid ah helin ee ay cagahooda maalaan milic kulaylka.
Abbaarta iyo gun-gaadhka qoraalkaygan; “Munaasib kuma aha hablaha labbiska madoobi, sababo dhinaca deegaanka ah darteed.” Cabidnaasir Axmed Abraham.

Advertisement

Ku Xayeysiiso