Kulmiyyihii Xujoowyoo Xisbigiisii Wuu Dumay. Abwaan: Ibraahim-Rashiid Cismaan Guure (Aboor).

Kulmiyyihii  Xujoowyoo  

Xisbigiisii  Wuu  Dumay.

Abwaan: Ibraahim-Rashiid Cismaan Guure (Aboor).

 

Xog Ogaalkii  Wuxxu Yidhi

Kulmiyyihii  Xujoowyoo

Xisbigiisii  Wuu  Dumay

Xukkunkiisu  Waa  Beeen

 

Xaaraama  Quuutaa

Lacagtii  Xantooobsaday

Xaaaluf  Buu  Dalkii  Baday

Layslama  Xisaaabtamo

 

Boobku  Waw  Xalaaaloo

Shiccibkoo  La  Xado  Iyyo

Hanti  Loo  Xaraashiyyo

Xatooyyay  Ku  Noolyiin

 

Xeerkiyyo  Sharcigii   Mee

Distoorkii  La  Xoooryoo

Muwaaddinkaa  La  Xidhayyaa

Xornimaday  Ka  Qaadaan

 

Caddaaaladdu  Xaqsoor  Ma  Leh

Xaqul-Qawlna  Maba  Jiro

Sinnaaantay  Xaqirayyaan

Dadkana  Way  Xasuuuqaan

 

Xannaaanada  Bulshada Iyyo

Xaydaankii  Noloshshiyyo

Xidhiidhkii  Aqooontiyyo

Xarun  Caaafimaad  Ma  Leh

 

Cashuuurtaa  Xad-Dhaaf  Ahoo

Maceeeshaddaa  Qaaaliyoo

Mushahaaaro  Ma Gooyn Kartoo

Maaatadaa  Macaluulay  Weliy

 

Qabyaaaladdaa  U  Xeeeroo

Qolyo  Laysku  Diro  Bay

Qooondaynayyaan  Weliy

Qarashna  Uu  Ku  Bixiyyaa

 

Guuulwade  Xammaysanoo

Xusulduub  Ordaaayya  Oo

Xoolihhii  Dadweynaa

Loo  Xantoobiyyaa  Jira

 

Idaaacaddii  Xayire  Oo

Iyagay  U  Xidhan  Tahay

Tiifiigii  Xor  Maahoo

Xantooduu  U  Furan Yahay

 

Xilka  Kiii  Ay  Dooonaan

Iyagaw  Xambaaarshoo

Xildhibaannadiisuna

Xorba  Maaaha  Mudanuhhu

 

Xaajadiisu  Waa  Gaar

Xan Iyyo  Beeen Waxxaan Jirin

Sawirro  Laysku  Soo  Xidhay

Dadweynaa  Ku  Xadayyaa

 

Xeeelad  Siyaaasadeed  Ma  Leh

Xaawaley  Tolkeeda  Caayaysuu

Sawir  Xusuuus La  Gelayyaa

Xaflad  Weyn  U  Dhigayyaa

 

Xididkiyyo  Walaaalahha

Xulkii  Reeer  Togdheer  Baa

Xanaftuu  Dhex-Dhigay  Weliy

Dadku  Soo  Xusuuustaa

 

Dadweynii  Ku  Noolaa

Dacalladii  Galbeed  Kaa

Degmooyinkii  Lixda  Ahaa

Kala  Dira  Direeyyoo

 

Beeelihii  Wacnaan  Jirey

Iddarayska  Iyyo  Baho

Habar Lammaantii  Barigaa

Belaayuu  Dhex  Dhigayoo

 

Degelladii  Dhulbahantena

Ciiidan  Buu  Daf  Siiiyyoo

Dadkii  Buu  Xasuuuqoo

Weliyna  Uu  Dul  Jooogaa

 

Dagaalkii  Sokeeyyaha

Kuwii  Daaddeheeyyee

Dadkayyaga  Xasuuuqaa

Doorashooyyin  Naga  Raba

 

Alla  Doorigaa  Daya

Demmanaa  Siduu  Yahay

Daan Daansanaa  Wuxxu

Ma Dameer  Bakhtiyey  Baa.

 

Dhammaad.

Advertisement

Ku Xayeysiiso