Dimishiq : Israa`il oo Duqeysay Madaarka Milatari ee Mezza

Taliska Ciidanka Siiriya ayaa maanta oo Jimce ah 13 January sheegay in Israa`iil ku soo gantay kuna duqaysay gantaalo Madaarka Mezze ee milatariga ah Galbeedka caasimada Dimishiq.

 

Wakaalada Sana ayaa sheegatay in diyaaradaha Cadwaga Yuhuudu ay 00:25 ee saq badhkiii  xalay in tiro gantaalo ah ay ku soo dhaceen Madaarka Mezze kaas oo geystay Dab weyn oo ka kaca Madaarka Malatari.

 

Wakaalada ayaa intaa ku dartay in Taliska Guud ee ciidamda Siiriya uga digeen Dawlada Israa`il in ay sii wado cadaawada ay ku hayso Siiriya Wakaalada ayaan sheegin in wax khasaare dad ahi dhaceen se qudha ku koobta in gantaaladu sababeen Dab aad u balaadhan.

 

Duqayntan ayaa Noqonaysa muddo ka yar laba Bilood ee Ciidamada Israel ka geystaan Madaarkan.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso