Telesom bixisaye Caydha gaadhsii W/q: Saad ina Kaarshe Cade


Telesom bixisaye Caydha gaadhsii
Bahda Saxaafada hufan waad salaaman tihiin, waanad ku mahadsan tihiin sida fiican ee dadkiina iyo dalkiina uugu heelan tihiin.

Waxaan hanbalyo iyo boogaadin halkan uuga dirayaa shirkadda adeega shacabka ee Telesom, sida wanaagsan ee ay uugu deeqdey dadkooda tabaaleysan lacag dhan 500’000 USD.
Mana aha markii uugu horreysey ee ay sidaa qiimaha leh u garab istaagto walaaladooda baahan, hase yeeshee middan uugu danbeysey waa arrin farxad iyo yididiilo gelineysa inta khayrka iyo wanaaga jecel, kuna dhiirineysa inta weli dabada xaska kula jirta ee awooda iney iska gooyaan Deeqdaas oo kale, intey dibadda iyo gacmo shisheeye ka sugi lahayn, shirkaddo iyo Hay’ado la faca oo la mida oo inoo soo gurmada, waxa ku dayasho mudan in kuweena dalko dadkooda garab istaagaan oo u huraan waxay hayaan.
Waanu ku diirsaney waanan ku faraxney sida geesinimada leh ay uugu tabaruceen, waxaanse leeyahay, waxaan ku garaadeystey yaraanteydii iyadoo  Abaaro waddanka ka jiraan, Caano boodhe, Subag Badhar la odhan jirey iyo Timirtii Basra oo la leeyahay (Ciraaq keentaye, Caydha yaa siin) waad wada garaneysaan   Ujeedada iyo Nuxurka hadalkaasi, oo aan ku dari lahaa (Telesom bixisaye Caydha gaadhsii) xaga wanaagsan marka laga eego.
Saddex Erey oo dhanbaalo ah:
1- Allaah ha idin barakeeyo, dhammaan Agaasimaha ilaa shaqaalaha, inta go’aanka iyo fulintiisa ka qayb-qaadatey, Naartana ha ka xorreeyo Maqaarkiina, Magaciina kor ha u qaado .
Maalintii uu Cusmaan RC anbabixiyey ciidankii “Cusrah” wuxuu Rasuulku scw uugu duceeyey, kuna siiyey Bilad qaaliya (Cusmaan ma dhibto ama ma dhibeyso wuxuu sameeyo Maanta kadib).
2- Guddida Abaaraha, dadaal ayaad muujiseen, hase yeeshee dadkeenu wey hadal badan yihiine, warkiina iyo wax-qabadkiina hala maqlo oo Dadka u soo bandhiga, mana aha xayeysiis iyo is tus, waase kalnsooni iyo inaad dadkii wax idiin soo direy ama idiin dhiibey ku war celisaan,
3- Dadweynaha kale ee ama gudaha ama dibadda joogana waxaan leeyahay, waa laynoo wada baahan yahay, xataa haddii aanad maanta wax ka qaban karin, hadalka wanaagsan iyo taageeridu waa qayb waxtarka ka mida, sida hadalka qalooca iyo dacaayaduhu u yihiin dumin iyo Qalbi jabin.
Ugu danbeyn waxaan kusoo gunaanadayaa Ereygii Abwaankii xaaji aadan afqalooc
Dadka kale ninkiisii wax tara, way tamadiyaane.
Idinkuna caqliga taamudka ah waad ku tumataan.
Dardaarankeenu waa Wanaaga aynu taageerno, xumaantana ka dhiidhino.
Wabillaahi tawfiiq.
Saad ina Kaarshe Cade
Zürich/Switzerland
subaan99@yahoo.de

Advertisement

Ku Xayeysiiso