Dadku hadhinto waxna hadoorto, damiir xumada dalka maanta taalla !

 W/Q: Noradin Abdullahi Col-ujoog.

 

Xaaladdii abaartu, xadkii noole adkaysan lahaa ayay dhaaftay. Wararka  saacad walba ka soo dhacay baadiyaha sideedda gobol  ee abaartu saamaysay , waa kuwo welwel daban ku abuuraya  qofkasta oo damiirkiisu shaqaynayo.

 

Aniga sigaara ayaay ii taabanaysaa xaaladdu oo ugu yaraan saddex jeer ayaan gaadhay  inta badan deegaanada   abaartu ka jirto, wakhti aan ka socday talafeeshinka dawladda. Waxaan ka soo  waramay deegaanno ciidda, dhirta iyo xooluhuba dhinteen , dadkanu  geeri qarka u saaranyahay.

 

Xilliga aan ka hadlayaa, waa 20kii   November ee sanadkii hore oo hadda  laga joogo laba bilood oo maalmo dhiman.  Bal qiyaas halka uu xaal marayo maanta. Waa hubaal in xoolihii reer guuraaga aanu ka hadhin baaqi laysku hallaynkaro, waxaase werwerka ugu wayn abuuraya dhimashadii dadka oo toos u bilaabantay isla markaana tirdu ay kordhayso.

Safarkii  madaxwaynaha Somaliland, guddoomiyaha Kulmiye iyo inta badan golaha wasiiradu ay ugu baxeen  gobolada bari , marka la eego durufta culus ee haystay dadka iyo duunyadaba, hadalladii madaxwaynaha iyo masuuliyiinta ee ahaa ‘’ Waannu gurmanaynaa, oo dadkayaga waxba kala hadhi mayno’’,  bulshada  Somaliland iyo cidkasta oo isha ku haysay safarkaas ,waxa ay niyadda geliyeen in dalku wajahayo xaalad deg-deg ah xukuumadduna  ay gurmad xooggan u fidinayso  bulshada u dhimanaysa baadka  iyo biyo la’aanta. Hase ahaate, taa bedelkeeda maxay tahay  xaajadan ugubka ah ee xisbul xaakimka kasoo yeedhaysa ee uu weliba ku adkaysanaya?

 

Anigu, waxaan qayb ka ahaa warbaahin raacday waftigii madaxwaynaha . Ilaa hadda ma rumaysan karo madaxwayne Siilaanyo, ayaa doorasho gelinaya dadkii taabalaysnaa ee deegaanadooda  ka hayaamay abaarta culus ee caydhaysay darteed.

Shacabka uu madaxwaynuhu u tagay oo aan markaa wax buuran lagaadhsiin, waxay sugayaan balantii  ahayd ‘’ Xaaladdiina ayaanu doonaynaa in aanu ogaano, kadibna iidiin soo gurmanno oo waxba idin kala hadhimayno’’ oo madaxda wadanka uga saraysaa ay ku nuux-nuuxsanaysay.

 

Taariikhda mahadhada ahi  maantookale ayay qorantaa.  waajibka ugu wayn ee ummad ahaan ina  saarani , waa gurmad loo dhanyahay iyo qaylo-dhaan la gaadhsiiyo, dadlalka jaarka ah iyo Dunida inta dhaqaale ku taageeri karta  dadkeenna  dhimanaya.

Waxba yaan qalinku ila taraarin, damiirkeennu ha ina kala dooransiiyo laba mid;  in ummadda loo damqado  iyo in la taageero talada  siyaasiga ee u dhigan ‘’dadku  isga oo dhimanaya  madaxwayne ha ii doorto’’.

Advertisement

Ku Xayeysiiso