sharciga fayadhawrka ee dawlada hoose loga baahan yahay in ay ku dhaqmaan

Qaabka shaqo ee fayadhowrahu u eegi karo ama u baadhi karo goobaha ganacsi iyo badeecadaha iibka u yaala la socodka taarikhdooda isticmaal
Inkastoo dalkeena ay wax kasta uga yimaadan dibadaha hadana waqtiyada ganacsiga dibada lagu gudo jiro ma ilaalino badeecada iyo goobta keydinta fayadhowrkeeda waxa dhacdo in ganacsadahu isago aan eegayn caafimadka bulshadiisa iyo fayadhowrka badeecadisa ganacsi in uu sharaab food stuf dawooyin uu ku keeno ama ku soo rido contener aan qaboojiye lahayn
Sidoo kale waxa dhacda in badeecadaha ganacsi sababo sifo maamul cashuur dawladeed ah ay mudo yaalan dakadaha dalalka
Markaa waxa isbadal fayadhowr ku iman karaa badeecadaha sida dhadhan badal kaga yimid kulka fooc ku yimid ama daxal weelka badeecada sida daasadaha isla markaa astaamaha ama aad ku aragto calaamadaha badeecadaha nooc kasta oo ay ahaadan lama iibin
Karo sifo maamul awood fayadhowr fayadhowrahu waa in uu ku labisnaada dirayska shaqaalaha dawliga ee fayadhowrka sido kale waa in uu sita warqada aqoonsiga ee shaqaalanimada fayadhowr marka uu soo galo goobta ganacsi si uu u eego badeecadaha iyo tayadooda waxtar waa in uu u sheega masuulka ganacsadaha goobta howsha uu u socdaa waxa kale oo loo baahanyahay in warqad qoraal ah oo ka socota moyarka caasimada in ay gali karaan goobta ganacsi waa in ay haystaan shaqaalaha fayadhowrka dawliga ahi
Fayadhowrahu waxa uu guda galaya howshiisa shaqo isagoo eegaya taariikhda badeecada goobta iyo muqaalka badeecadaha sida daasadaha in ay daxalaysteen in ay fooc ku yimid taaso sababi karta in dhadhanka badeecadaasi is badalay arimaha noocas iyo waxa keeni kara waxaynu kaga soo hadalay kor
Waxa kale oo muhiim ah in aynu ka hadalo qaabka shaqo ee loola socon karo rashinada iyo isbadalkooda fayadhowr
Rashinka sida bariiska iyo baastada iyo daqiiqda waxa loo baahan yahay in goobta lagu kaydinayo ay ahaato goob waafaqsan sharciga fayadhowrka iyo qawaanintiisa sida in goobta keydintu ay ahaato goob hawada u furan oo ka xafidan cayayaanka sida baranbarada jiirka etc
Waxa loo baahan yahay in fayadhowru uu eega rashinada midabkooda muqaal sida in ur rashinku leeyahay ama daaniye ku dhashay taarikhda isticmaal ee logu talo galay rashinka marka la tixraaco taarikhda soo bixida
Inta badan rashinada isticmaalkoda waxa lagu up date gareeyey mudo hal sano in la isticmaali karo
Waxa loo baahan yahay in astaamaha kor ku xusan oo dhan hadii fayadhowrka goobtu uu la kulmo waa in uu qaado talabo joojin in la iibiyo badeecadahas awooda shaqo ee fayadhowrka
Np rashinada ganacsadahu kama badali karo galka lagu soo dhoofiyey ee warshadu ay ku soo saartay waa dambi mana haboona in ganacsatadu ay isku daydo arimaha oo khilaafsan sharciga fayadhowrka dalka u yaala waxa jira ganacsato waawayn oo marka ay soo dajnayaan badeecadaha sida rationka soo raaciya baco madhan oo ay ku qoran tahay taarikhda soo bixista iyo taarikhda dhicista si hadhow ay ugu wareejiyaan rashin dhacay ama aan lala socon waqtiga tayada isticmaalkiisa taas oo khilaafsan shrciga tayada fayadhowrka badeecadaha
Fariin caafimaad halkan waxan ugu gudbinayaa ganacsadaha hamdi store oo runtii ah ganacsadaha ugu badeecadaha wanaagsan suuqa idaacada ahna ganacsade had iyo goor ilaaliya fayadhowrka la xidhiidha ganacsigiisa ganacsadahan oo dhaqan galiyey joojinta ka ganacsiga badeecad

Advertisement

Ku Xayeysiiso