Maareeye ku Xigeenka Dekeda Berbera Cabdilaahi Xasan Mataan Oo Beeniyay Inuu Iscasilayo

Hargaysa( ) Maareeye Xigeenka Berbera Cabdilaahi Xasan Mataan Ayaa Waxba kama Jiraan ku Tilmaamay Wararka Sheegaya Inuu Iscasilayo Waxaana uu Usoo Jeediyay Warbaahinta inay Iska Dhowraan Wararka Xaqiiqada Ka Fog Iyadoo Warar Iyo Dhacdooyin Xaqiiqo ahi Agtooda Ka Buuxaan

Maareeye Cabdilaahi Xasan Mataan Waxaa uu Sheegay inuu Hada Joogo Hargaysa Isla Markaana uu HAwlaha Qaranka Usoo Gaadhay Caasimada Shaqadiina Ay Socoto Isla Markaana Aanay Haba Yaraatee Jirin Wax Khilaaf Ah oo Soo Kala Dhex Galay Isaga iyo Maareeyaha Dekeda Berbera

Maareeyaha Oo arimahaasi Ka Hadlayaana Waxaa uu Yidhi

“ Arintaasi Waxba Kama Jiraan Hadaan Iscasilayna dee Warbaahintaan Soo fadhiisan Lahaa ee Lamaan Dhuunteen Iscasilaadayda Warkaasina Waa mid aan sal iyo raad Toona Lahayn,Waxaanan usoo Jeedin Lahaa Saxaafada inay Wararka Agtooda Buuxa ee Xaqiiqada Ah Raadiyaan intay Beenta Xooga Dul Saarayaan “

Advertisement

Ku Xayeysiiso