Guddida Joogtada ah ee Golaha Wakiiladda oo Kulan la qaatay Mas’uuliyiinta Baanka Dhexe

Gudida joogtada ah ee golaha wakiilada Somaliland ayaa kulan xog waran ah la yeeshay Masuuliyiinta baanka dhexe ee JSL.

Xildhibaan Maxamed Axmed Cabdi Carabeeto oo ku hadlay afka Gudida joogtada ah ee golaha wakiilada. Waxa uu sheegay inuu Guddoomiyaha baanka dhexe ugu waramay si waafi isla markaana Xildhibaanadu waydiiyeen su’aalahii shacabku u baahnaa in looga jawaabo.

Guddoomiyaha baanka dhexe Cali Ibraahin Jaamac Baqdaadi ayaa dhankiisa sheegay inay gudida uga xog warameen shaqooyinka baanka dhexe uu u hayo shacabka waxyaabahii u qabsoomay 2019 ee ku saabsan xagga dhaqaalaha iyo lacagta.

Gudoomiye Baqdaadi waxa uu sheegay inay gudida uga warameen hoos u dhaca doolarka iyo sicir bararka oo bulshadu ay ka cabato waxaanu tilmaamay inay golaha u gudbiyeen daraasad uu baanku sameeyay August 2019 taas oo muujinaysa in ay wada socdaan maciishadda iyo qiimaha doolarka ee hoos u dhacay.

Guddoomiyaha Baanka dhexe ee JSL waxa uu intaa ku daray in qiimaha shilinka Somaliland uu kor u kacay laga soo bilaabo sanadkii 2018 isla markaana uu hadda maraayo meel wanaagsan.

mudadii ay shaqaynayeen isla markaana ay u gudbiyeen daraasad uu baanku sameeyay.Sidoo kale waxa uu sheegay inuu sicir baraka Somaliland hoos u dhacay 4.5 percent marka loo eego dalalka jaarka aynu nahay.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso