Maxkamadda Ciidammada oo Dil ku Xukuntay Laba Askari

Maxkamadda Ciidammada ee Darajada Kowaad ee Goboladda Galbeedka Somaliland oo ku sugan Magaalada Boorama ayaa Maanta Xukun dil toogasho ah iyo Xadhig ku xukuntay laba askari oo ka Tirsanaa Ciidamadda qaranka.

Xeer ilaaliyaha Guud ee Ciidamadda qalabka sida ee Jamhuuriyadda Somaliland Yaasiin Maxamud Cabdi ayaa ka hadlay fal danbiyeedkii ay geysteen labadan askari Waxaanu xusay in eedaysanaha Kowaad oo ah Dable askari Boolis Mustafe Muuse Xasan Kaas oo ka Tirsanaa Saldhiga dhexe ee Boorama kuna eedaysan inuu si badheedh ah Tooray Sadex Jeer ugu dhuftay Marxuun Mahdi Nuur Cabdilaahi falkaas oo ka dhacay dalka Itoobiya Kaas oo keenay Dhimashada Marxuunka.

Sidoo Kale eedaysanaha Labaad oo ahaa Askari (Kormeere Sadexaad oo Ciidanka Asluubta) Lana yidhaa Maxamed Nuur Cali oo ku eedaysan Isku day dil oo uu kula kacay Dhibane Gaashaanle Axmed Nuur Cadar Taliye ku xigeenka Jeelka Magaaladdda Boorama iyadoo eedaysanuhu rasaas ooda kaga qaaday.

Gabo gabadii markii la dhagaystay dacwadaasi ayaa Gudoomiyaha Maxkamada darajada Kowaad ee Ciidamada ee Gobolada Galbeedka Somaliland Gaashaanle Maxamed C.laahi Aar ayaa ku dhawaaqay Xukunka lagu riday Labada eedaysane ee kala ah.

Dable askari Boolis Mustafe Muuse Xasan oo lagu Xukumay Xukun dil ah Iyo Kormeere Sadexaad ee Ciidanka Asluubta ee Boorama Maxamed Nuur Cali oo lagu xukumay 15 Sano oo Xadhig ah.

Xukunka ay Gaadhay Maxkamadda darajada Kowaad ee Ciidamada qalabka sida ee Gobolada galbeedka Somaliland ayay ku sheegtay in cidii ku qanci weyda ay u furan tahay inay  racfaan ka qaataan.

    

Advertisement

Ku Xayeysiiso