Ku dhowaad Kun Qof oo Saddex Bil gudahood ku dhimatay Liibiya

Tirakoob ay dhowaan soo saartay hay’adda Qaramada midoobay u qaabbilsan caafimaadka ee WHO, ayaa lagu sheegay in dagaallada ka socda Dalka Liibiya ay ku dhinteen Saddexdii Bil ee ugu dambeeyay 1,000, iyadoo 500 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Warkan ka soo baxay Qaramada midoobay ayaa lagu sheegay in Dadkani ay dhinteen intii uu dagaalka ka billaabay Magaalada Tripoli hoggaamiye Janaraal, Khalifa Xaftar, kaas oo ka soo horjeeda Dowladda Libya ee uu Caalamku aqoonsan yahay.

Dagaalka ka socda Dalka Liibiya ayaa tan iyo markii ay Malleeshiyaad uu taageerayo reer Galbeedka ay talada ka qaadeen Muammar Gaddafi, Sanadkii 2011, waxaa Guryahooda ka barakacay in ka badan 100,000 oo Qof.

Advertisement

Ku Xayeysiiso