Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo UNDP kala hadlay Horumarinta Caasimadda


Muqdisho, Juun 9, 2019–Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Md. Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Wakiilka cusub ee Hey’adda UNDP u qaabilsan Soomaaliya, Jocelyn Mason iyo xubno ka tirsan Howlwadeenada xafiiskiisa.

Eng. Yarisow ayaa ugu horeyn Mr. Jocelyn kusoo dhaweeyay Muqdisho, isagoo warbixin ka siiyay Howlaha ay isla wadaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hey’adda UNDP.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hay’adda UNDP ay ka fiiayaan mashaariic dhowr ah oo lagu horumarinayo Caasimadda in ay fuliyaan.

Jocelyn Mason, Wakiilka UNDP ee Soomaaliya ayaa waxa uu ka mahadceliyay soo dhaweynta Duqa Muqdisho, isagoo dhinaca kale xusay in ay sii xoojin doonaan wada shaqeynta kala dhaxeyso Maamulka Gobolka Banaadir.

Advertisement

Ku Xayeysiiso