13 Qof oo ku dhintay Kaniisad ku taalla Dalka Koofur Afrika

Ugu yaraan 13 Qof ayaa ku geeriyootay 16 kalena wey ku dhaawacmeen, markii uu soo dumay saqafka sare ee Kaniisad ku taalla Magaalada Durban ee Dalka Koofur Afrika.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada ammaanka ayaa Warbaahinta u sheegay Maanta oo Jimca ah in shilkani ay sababeen Roobab culus oo Habeennimadii Khamiista ka da’ay degaanka Dlangubo, oo dhaca Waqooyiga Magaalada Durban.

Kooxaha gurmadka ayaa ku guuleystay in ay badbaadiyaan Dadkii ku dhaawacmay shilkaasi, iyadoo haatan lagu dabiibayo goobaha Caafimaadka.

Advertisement

Ku Xayeysiiso