Soomali ku jirta Dadka lagu laayay Masjid ku yaalla Dalka New Zealand+ Sawirro

Ilaa hadda Saddex Soomaali ah ayaa la xaqiijiyey inay ku geeriyoodeen, weerar koox Hubeysan ku qaaday Masjid lagu Magacaabo Al-Nuur oo ku yaalla Magaalada Christchurch ee Dalka New Zealand.

Dadka dhintay ayaa lagu kala Magacaaba, Sheekh Muuse Nuur Cawaale, oo ahaa Macallin Dugsi, Sheekh Cabduqaadir iyo Cabdullaahi Aadan Diiriye oo ah Wiil Lix Sano jir ah, halka uu dhaawac kasoo gaadhay Aabihii oo la yidhaahdo, Aadan Diiriye.

Masjidkan oo Dadka ku sugnaa ay isu diyaariyeen Tukashada Salaadda jimacaha ee Maanta ayaa lagu qiyaasay 200 Qof.

Boliiska ayaa sheegay in Ninka weerarka geystay uu ka yimid Dalka Australia, bar-tilmaameedkuna uu ahaa Laba Masjid oo halkaasi ku yaalla.

Ninkan weerarka geystay ayaa la sheegay taageersan yahay afkaarta midigta fog,  kana soo horjeedo Dadka soo galootiga ah.

Ra’iisul wasaaraha Dalka ,  New Zealand, Jacinda Ardern, ayaa sheegtay in ay Dalkeeda u tahay Maalin madoow, aadna ay ugu xun tahay wixii dhacay.

Booliska Magaalada Christchurch, ayaa baadi goobaya kooxdq falka geystay, iyagoo isweer ka qabtay goobaha looga shakisan yahay in uu ku dhuumaaleysanayo oo ay ka mid yihiin Iskuullada, Suuqyada iyo Isbitaallada.

New Zealand Mosque Shooting

Advertisement

Ku Xayeysiiso