Madaxda Wasaaradda Boostada Somaliya oo la kulmay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka

(Maarso 11, 2019) Wasiirka iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada ayaa kulan la yeeshay Agaasimaha Guud ee Midowga Boostada Adduunka (UPU), Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen, iyagoo ka wada hadlay qorshaha dib loogu soo nooleynayo boostadii dalka iyo sida labada dhinac ay dib ugu soo celin lahaayeen xiriirka Wasaaradda iyo UPU.

Wasiiru-dawlaha Mudane C/laahi Bile Nuur ayaa ugu horreyn warbixin kooban ka bixiyay waxyaabihii ka qabsoomay qorshaha lagu kicinayo Boostada Soomaaliya oo haatan maraya heer gabogabo ah. Wasiiru-dawlaha ayaa xusay in, inkastoo la billaabay in boostada ay soo gaarto dalka 2013-dii, haddana caqabadda ugu weyn ee Boostada u dhaqaaqi weyday inay ahayd inaysan dalka dibeddiisa wax u diri karin, isla markaan aysan si buuxda uga qeyb gali karin hawlaha UPU maadaama aan la bixin qaaraankii xubinnimada tan iyo 1983-dii.

Agaasimaha Guud ee UPU, Danjire Bishaar C/raxmaan Xuseen, ayaa sheegay in tan iyo 2012-dii dhowr mar oo hore la isku dayay in Soomaaliya ay soo ceshato xubinnimadeedii UPU, balse lagu guuleysan waayay. Agaasimuhu wuxuu intaasi ku daray in soo-celinta xubinnimada ay Boostada Soomaaliya uga xayiran yihiin waxyaabo badan, marka la soo celiyana ay soo noqon doonto haybaddii ay ku lahayd hay’adda, isla markaana ay ka faa’iideysan doonto adeegyada UPU oo isugu jira taageero farsamo, aqoon-kororsi, iyo xiriirro ay la sameyso boostooyinka kale.

Wasiir Cabdi Cashuur Xasan ayaa sheegay in sanadka 2019 uu noqon doono sanadkii xoogga la isugu geynayay kicinta Boostada, kadib markii 2017 lagu guuleystay ansixinta sharciga isgaarsiinta qaranka, 2018 –na la dhisay Hay’adda Isgaarsiinta Qaranka oo haatan ah hay’ad shaqeysa.

“Sanadkii 1983-dii ayaa ugu dambeysay in Wasaaraddu bixiso qaaraankii UPU iyo ITU. Maadaama aan sanadkii 2017 soo celinay xubinnimadii isgaarsiinta (ITU), waxaan sanadkana soo celineynaa tii Boostada si wasaaraddu u soo ceshato kaalinteedii gudaha iyo dibeddaba,” ayuu yiri wasiirka oo intaasi raaciyay in la isku afgartay in kulanka UPU ee bisha Abriil ka dhici doono dalka Switzerland lagu saxiixi doono waxyaabihii lagu heshiiyay.

Ugu dambeyn wasiirka ayaa u mahadceliyay Danjire Bishaar tixgelinta gaarka ah ee uu siinayo Boostada Soomaaliya. “Sharaf weyn ayay noo ahayd inaan la kulano nin walaalkeen ah oo madax ka ah Hay’ad caalami ah oo Qaramada Midoobay hoos tagta. Waxaan rajeyneynaa in wada-shaqeynteena cusub ay miro-dhal noqon doonto.”

Sawirka: Bidix-Midig: Wasiir Cashuur, Danjire Bishaar iyo Wasiir Bile

Advertisement

Ku Xayeysiiso