Safiirka Soomaaliya u jooga Kuwait oo ka war bixiyay xidhiidhka Labada Dal

7Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiyi doona Dalka Kuwait, Danjire Cabdillaahi Maxamed Odowaa, ayaa waxaa Waraqaaha aqoonsiga ka guddoomay Boqorka Wadanka Kuwait, Shekh Sabah Al-Axmad Al-sabaah.

Danjire; Odowaa, ayaa sheegay in si diirran loogu soo dhoweeyay Dalka Kuwait, isla markaana ay Dowladda Dalkaasi u muujisay Ixtiraam aad u sarreeya oo ah mid ay u hayso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Wuxuu sheegay inay dar-dar gelin doonaan howlaha shaqo ee Safaaradda oo ah hagaajinta xidhiidhka Labada Waddan, iibinta ama muujinta wanaagga Dalka Soomaaliya iyo u adeegista Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Kuwait.

Dhismaha iyo qalabaynta Safaaradda ka dib ayuu sheegay Danjiruhu in ay ka shaqayn doonaan wax ka qabashada adeegyada kala duwan ee Jaaliyadda Soomaalida, wuxuuna intaa raaciyay in uu la yeelan doono kulamo kala duwan si uu u ogaado baahiyaha ay qabaan.

Amb; C/llaahi Maxamed Odawaa, oo ah Safiirkii ugu horreeyay ee ay Soomaaliya u Magacawdo Dalka Kuwait, ayaa sheegay in ay isaga iyo Boqor, Shekh Sabah Al-Axmad Al-sabaah, isla garteen inay soo celiyaan xidhiidhkii ka dhaxeeyay Labada Dal 30 Sano ka hor, door wada jir ahna ay ka ciyaari doonaan

Advertisement

Ku Xayeysiiso