Xubnaha cusub oo ka tirsan labada aqal ee baarlamanka Mareykanka oo la dhaarinayo

Iyadoo dhawaan la doortay xubno cusub oo ku soo biiray Congresska Mareykanka ayaa waxaa lagu wadaa in la dhaariyo xubnaha cusub ee ku soo biiray labada aqal ee congresska Maraykanka, iyada oo sanadkan ay, gaar ahaan, aqalka hoose ku soo biirtay tiradii ugu badneyd ee dadka laga tirada badan yahay,taasi oo muujinaysa isbedel xoogan.

Bulshooyin badan oo kunool dalka Mareykanka ayaa wax weyn u arka talaabadan,iyagoo muujinay farxad ku aadan guulaha ay gaadheen shaqsiyaadka cusub oo ay kamid tahay Ilhaan Cumar oo ah haweenay Soomaaliyeed.

Dhanka kale dalka Mareykanka ayaa waxaa kajira jahwareer siyaasadeed,kaasi oo u dhexeeya hay’adaha fulinta iyo baarlamaanka.

Waxaa ay salka ku haysaa miisaaniyada la’aanta dowladda oo saameyn kuyeelatay howlihii adeegyada hay’adaha dowladda dalkaasi oo weli xayiran,taasi oo saameyn ballaadhan ka dhalankarta hadii ay sii socoto.

Madaxweynaha Mareykanka ayaa dadaal ugu jira sidii miisaaniyadda dalkaasi loogu kordhin lahaa malaayin dollar oo lagu dhisayo derbiga Mareykanka iyo Mexico.

Advertisement

Ku Xayeysiiso