Cabdi Casiis Lafta Gareen oo loo Doortay Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Koofur Galbeed

Guddiga Doorashada Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed ayaa ku dhawaaqay in Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen uu ku guuleystay Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed kadib markii Wareega Koowaad uu helay 101-Cod halka Kaalinta Labaad uu galay Musharax Aadan Maxamed Nuur Saransoor oo helay 22-Cod.

Xuseen Cismaan Xuseen, Aadan Maxamed Nuur Saransoor, Ibraahim Macalin Nuunow, Sayid Axmed Sheekh Daahir iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ku tartamay Doorashada Madaxweynaha Koofur Galbeed oo si habsami leh uga dhacday magaalada Baydhabo, iyadoo 147-Xildhibaan oo ka tirsan Maamulka Koofur Galbeed ay codadkooda dhiibteen.

Madaxweynaha cusub Dowlad Gobaleedka Koofur Galbeed ee Afarta sano ee soo socota hogaamin doona Maamulkaasi ayaa loo dhaariyay xilkiisa.

Advertisement

Ku Xayeysiiso