Nin hubaysan oo 4-ruux ku dilay magaalada Strasbourg ee Faransiiska

Nin hubaysan ayaa 4-ruux ku  dilay 11-kalena ku dhaawacay magaalada  Strasbourg ee bariga Faransiiska, ka dib markii uu irida qori kala istaagay Dukaan wayn oo dadku ay wax ka gadanayeen si ay ugu diyaar garoobaan ciidda masiixiga ee dhammaadka sanadka.

7-ka mid ah dadka dhaawacmay ayaa xaaladoodu culus tahay sida laga soo xigtay saraakiisha caafimaadka, waxaana isla xalay la geeyey Isbitaalada.

Wasiirka arrimaha gudaha Faransiiska ayaa dadka maagalada u diray fariin uu kaga dalbanayo inay guryaha ku nagaadaan inta Boolisku ay la tacaamulayaan xaaladda soo korodhay.

Booliska ayay xabado is dhaafsadeen ninka hubaysan ee dadka dilay, ka hor inta uusan baxsan, balse Boolisku waxay hayaan macluumaad ku saabsan dilaagga oo horay ay u baadigoobayeen inkastoo aysan faafin xogtiisa.

Ciidamo Boolis ah oo feejigan ayaa magaalada  Strasbourg ka wada baadhitaan, walina ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas, waxaana weerarkan uu ku soo aaday todobaadyo banaanbaxyo rabshado wataa ay Faransiiska ka dhacayaan.

Advertisement

Ku Xayeysiiso