Wasaaradda Waraabka Itoobiya oo ku tala Jirta in ay Abuurto Shaqooyin Gaadhaya 100,000 Sanad Maaliyadeedkan

Wasaaradda Biyaha, Waraabka iyo Tamarta (MoWIE) Dalkaasi Itoobiya ayaa qorsheyneysaa inay abuurto in ka badan 100,000 oo shaqo oo ku saabsan barnaamijka horumarinta waraabka sannad maaliyadeedka Itoobiya.

Waraabka Beeraha

Mudnaanta waxaa la siin doonaa kuwa ka qalinjabiyay hay’adaha tacliinta sare, ayuu yidhi Bizuneh Tolcha oo ah xidhiidhiyaha dadweynaha ee Wasaarada.

50,000 oo hektar oo dhul ah ayaa loo diyaariyey barnaamijkan iyada oo laga fulin doono Gobolada Canfar, Soomaali, Gambella, Amhara, SNNP iyo Tigray.

Sida laga soo xigtay Dr Engineer Sileshi Bekele, Wasiirka biyaha, waraabka iyo tamarta, barnaamijku wuxuu diiradda saari doonaa horumarinta dalagga iyo suuq geyntiisa.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso