Shan Ruux oo weerar hubaysan lagu dilay gobolka California ee Maraykanka

Shan ruux ayaa ugu yaraan lagu dilay saaka oo Khamiis ah rasaas ka dhacday magaaladda Bakersfield ee gobolka California sida ay sheegeen Booliska Gobolku.

Taliyaha Booliska Magaalada Sheriff Donnie Youngblood ayaa sheegay in ninka weerarka geystay uu markii u horeysay Dilay Xaaskiisa ka dibna nin shirkad Daabusha alaabooyinka u shaqeeya.

Wuxuu taliyuhu intaa ku daray in uu isna ku dilay nin meel u dhaw jooga shirkadda halka laba kalena uu ku dilay mar dambe meel u dhaw halkii uu deganaa intii uu isna aanu is dilin ka dib markii boolis ay kulmeen.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso