War Degdeg: Madaxweynihii Xilka ka degay shalay Cabdi Maxamuud Cumar oo Ciidamada Milatariga ah ay Ka Qabteen Madaxtooyada Halkaas oo Isla Saakaba ay u kaxeyeen Addis oo Sida la sheegay Xabsi Guri La galin doono

War Degdeg: Madaxweynihii Xilka ka degay shalay Cabdi Maxamuud Cumar oo Ciidamada Milatariga ah ay Ka Qabteen Madaxtooyada Halkaas oo Isla Saakaba ay u kaxeyeen Addis oo Sida la sheegay Xabsi Guri La galin doono ilaa iyo inta lagu soo ogaayo Dambiyo Dhawr ah oo lagu soo eedeeyey Kana Dambaysay Xil ka degistiisii Shalay.

Xubin Magaceeda Qarisay oo Joogta Addis ayaa Noo Xaqiijisay in La gaadhsiiyey Madaxweynihii Xilka shalay ka degay Magaalada Addis-Ababa Taas oo sida la sheegay Xabsi guri lagu sii hayn doono inta Xukunka lagu soo oogaayo.

Sidoo kale waxa ay Xubintani noo sheegtay in ay isku Dambi yihiin Dhamaan Kooxdii Xukunka Dowlad Deegaanka Somalida haysay ee ka hoos shaqaynaysay Madaxweynaha xilka ka degay.

Mar aan waydiinay Cida loo dooranaayo Madaxweynaha waxa uu noo sheegay in Marka hore La soo dooranaayo Gudi Guud oo maamusha Deegaanka oo ka kooban Dhamaan Shacabka DDSI Kuwaas oo Gaadhsiin doonta Dawlada deegaanka in La doorto Madaxweyne La isku Raacsan yahay.

Sida ay noo Xaqiijisay Xubintani Waxaa iyana jirta ayuu yidhi in Ciidamadii Deegaanka ee Lyu police ka xero lagu xareeyey hubkana ay dhigayaan si loo xirfadeeyo si ay u noqdaan dad xirfad leh.

Ilaa iyo Hadda ayaan la garanayn Waxa ay yeelayaan Xubnihii xukuumada DDSI ugu cadcadaa maadama oo Wasiir Axmed Shidena uu saaka ka dhawaajiyey in Tacadiyada la sheegay ay gaysteen Koox Ay wada shaqaynayeen Madaxweynihii Xilka ka degay.

 

Advertisement

Ku Xayeysiiso