Wasiirkii Hore ee Gudaha Maamulka Muqdisho Juxa oo ku sheegay Safarka Khayre ee Puntland “Qaaddo- quuriwaa”.


Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Maamulka Taagta daran ee Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa ayaa weerar Siyaasadeed oo afka ah ku qaaday ra’iisul wasaaraha Xukumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo socdaal ku maraya degaanada Puntland oo Juxa uu ka soo jeedo

Cabdi Faarax Juxa ayaa hadalkiidu u dhignaa sidatan:-

Safarkii Khayre ee “Qaaddo- quuriwaa”.

Raysal wasaare Khayre markii ugu horraysay 18 bilood ayuu booqasho rasmi ah ku yimi Puntland. Si weyn ayaa loo soo dhoweeyey. Waxay ballantu ahayd inuu dhagax-dhigo dhismaha Dekedda Garacad oo ah dadaal ay bulshada reer Puntland si iskutashi ah u wadday muddo dheer.

Nasiib darro Raysal wasaare Khayre wuxuu reer Puntland u quuri waayey qaaddo shamiito ah oo dhagax dhig ah. Waxaa la is-weydiinayaa maxaa hadaba safarkiisa Puntland ku saabsanaa, muxuuse Madaxweyne Gaas ka bedeshay?

Advertisement

Ku Xayeysiiso