Televiv : Waxay isticmaalayaan Shimbiro si ay Dab ugu gubaan Israel

Maamulka Israel ayaa ku eedeeyey Falastiiniyiinta in ay shimbiro u isticmaalayaan si ay u gubaan gudaha Israel.

Xafiiska Warfaafinta Israel ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ay heleen Gorgor dhigaya maado wax gubta beerta Hapsour una dhaw Gacanka Gaza maalintii Isniintii 16 July.

Waxayna ku sheegeen Masuuliyiinta Israel in xaaladani tahay tii ugu horeysay abid ee loo isticmaalo Xayawaan Nool si wax loogu gubo.

Waxayna intaa ku dareen in ay darsayaan arrinkan dacwadna ka gudbinayaan xadgudubkan oo ah Mid ka hor imanaya Mucaahadada Addunka in loo isticmaalo xayawaan nool arrimo argagaxiso.

Arrintan ayaa imanaysana ka dib dabab ka kacay dhul ka mid ah Israel gaar ahaan meelo u dhaw Gacanka Qaza , halkaas oo ay ku sii daayaan Kooxo Falastiiniyiin ahi diyaarado Waraaqo ka samaysan iyo Balloon gubanaya.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso