Lix Ruux oo u dhintay Mawjado Kulayl oo ka jira Canada


Tiraba Lix ruux ayaa ku dhintay Montreal ,Canada sababtoo ah kulayl dar’an oo ka jira taas oo sababtay in magaalada la geliyo xaalad degdeg ah.

Muuq Baahiyaha CBC News ayaa wariyey in Agaasimaha Caafimaadka Bulshada ee Montreal Drs Mylene Droan ay sheegaty in masuuliyiintu doonayaan in ay ka fogaadaan in ay dhacdo dhacdadii 2010 oo kale taas oo ay ku dhinteen kulayl dartii 106 qof.

Geesta kale duqa magaalada Montreal Valerie Blunt ayaa sheegtay in magaalada lagu qaybiyey 17 kun oo litir oo Biyo ah lana kordhiyey saacadaha shaqada ee goobaha lagu dabaasho iyo xarumaha ciyaaraha Biyaha.

Waxayna intaa ku dartay Blunt in raga Dabdamiska iyo Booliskuba ay kormeerayaan ilaa 5 kun oo guri oo ku yaal magaalada sida qorshaha la dhigay yahay ilaa hadana waxa booqdeen 1,300 Oo guri.

Dhinaca kale Hay’adda Deegaanka Canada ayaa soo saartay digniin kulaylkan guud ahaan Gobolka Quebec ta koonfureed ee ay ku taal Montreal.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso