Shirka Tolwanaage2 shirkii Midnimadda Garxajis Rakad Maxamed

Shirka Tolwanaaje 2 wuxuu ahaa shirkii u horreeyay ee ay qabsadaan Beesha qarxajis, Waan hambalyaynayaa sida qiimaha badan ee abniga iyo midnimada leh ee ay u soo gebo-gebeyeen, kaas oo muddo sideed maalmood ah uga socday Buurta Gacan-Libaax runtii qodobadii ka soo baxay shirka waxay ahaayeen qodobo aad u kala fog-fog kuwaas oo kala ahaa laba qaybood oo midi quseyso dannaha Garxajis, arrimaha gaarka ah ee midnimadooda kan kalena wuxuu ahaa fariimo ay u direen xukuummadda iyo madexweynaha, kuwaas oo u daarnaa salluuga ay ka qabaan dhinacyadda saamiga iyo khayraadka kale ee ay u arkayeen in cid gaari gacanta ku hayso.

Shirka Tolwanaage 2 waxqabadyaddiisa aan la ilaabi doonin ee taariikhda gali doonna waxa kamida midnimada Garxajis oo aan loo kala hadhin, waxaanna shirka marti ku ahaa hoggaanka madaxdhaqameedka Garxajis meelkasta ka kala yimid taasina waa guusha labaad ee ah in ay hal meel iyo go’aamo ay ka dhan yihiin ka soo saaraan marka halkaa laga yimaado waxa 

Haddii qodob kasta sidiisa loo dul istaago wuxuu u baahanayaa in wakhti badan wax lagaga qoro haddaba aniga aragtidaydu waxay tahay Haddii la doonnayo midnimadda soomaaliland, haddii la doonnayo horumarka soomaaliland haddii la doonnayo in kor looga sii socdo halka imika la taagan yahay, haddii diyaar loo yahay in beelkasta la qanciyo waa waajib innagu ah in aynu ku dhaqanno oo aynnu adkeyno caddaalada iyo sinnaanta aynu ku qornay dastuurkeenna.

Cidda kaliya ee maanta beelkasta iyo cidkasta qancin kartaa waa Alle SWC, iyo madexweynaheenna oo adeegsadda Istaraajiyad cidkasta soo jiidata, sidoo kale waxaan madexweynaha Soomaaliland Mudanne Muuse Biixi Cabdi ka rajeynayaa inuu wax ka qaban doonno qodobadda ka soo baxay SHirka Tolwanaaje 2 gaar ahaan kuwa isaga quseeya, waa aynnu ognahay in Madexweyne Muuse Biixi Yahay madexweyne Lexejeclo fog ka leh qarankan iyo bulshadanba insha Allah waxaan rajeynayaa innuu qancin doonno oo uu ka hadli doonno qodobada ka soo baxay shirka.

Soomaaliland haddii caddaaladeeda la adkeeyo oo cidkasta dareento in loo siman yahay waynu sii socon.

caddaalada aan jeedaa maaha maxkamadaha se waa in meelkasta, shaqokasta iyo xilkasta loo maro waddo caddaalad ku dhisan oo waxkasta loo maamulo sida ugu saxsan oo aan eexsi ahayn ciddii ka weecatanna tallaabo laga qaado.

Beesha iyo masuuliyiintii shirkanna waxa iyanna la quman innay markasta ilaaliyaan midnimadda iyo qarannimadda aad caddeyseen in aad halgan adag u soo marteen halgankaas oo 10,000 oo mujaahid idinka galaaftay wakhtigii aad ku dhimmanayseen magaca soomaaliland , waligeenba waynnu jiraynaa oo waynu u halgamaynaa.

Waxaan soo jeeddinayaa mar haddii Shirweyne beeleed uu noqday buug innagu cusub waa in aynnu ku darnaa in Halkii sannaba Beelaha soomaalilan labeentooda HAL meel la isku calool xaadho oo la isku saamaxo si aan cidinna cid caloosha waxba ugu hayni taasi waxay xoojinnaysaa midnimadda iyo jiritaanka soomaalilaand maadaama aynu waxkasta beello ku qaybsanno.

Dhulka iyo kheyraadkuba innaga baddan ee aynu sinnaan iyo caddaalad ku dhaqanno.

farxaanmxd@gmail.com

Rakad Mxd Sultan

Advertisement

Ku Xayeysiiso