Washington oo diidday in ay ka qeyb qaadato dib u dhiska dalka Syria


Sarkaal sare oo Mareykan ah ayaa sheegay in Maraykanku uusan rabin in uu ka qaybqaato dib-u-dhiska deegaanada Suuriya ee gacanta ku hayo madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad.

“Markii aan eegno tallaabooyinkayga mustaqbalka, ma dooneyno in lacagtayadu ay tagto meelaha ay maamulaan Bashaar al-Assad,” ayaa lagu yidhi hadal uu sheegay sarkaal sare oo diiday in magaciisa la magacaabo maalinta ugu horeysa Shirka (G7)

Madaxa Xidhiidhka baarlamaanka Ruushka iyo baarlamaanka Suuriya, Dmitry Sablin, ayaa hore uga soo wariyey in madaxweynaha Suuriya Bashar al-Assad uu sheegay in dib u soo kabashada dhaqaalaha Suuriya ay u baahan tahay $ 400 bilyan ayna qaadanayso inta u dhaxaysa 10 ilaa 15 sano.

Warqabadka ToggaHerer

Advertisement

Ku Xayeysiiso